Oday wiilashiisii ku caasiyeen ma gablan baa ? W/Q: Abdirashid Aabi

January 13, 2012 - Written by

Waxa la kasbado waxaa ugu qiimo badan awlaada iyo ubadka uu qofku dhalo maxaa yeelay waxaa laga rajeeyaa aduunkana kaal mo iyo waxtar markaad dhimatana duco iyo sadaqo jaariyo ah oo ay kuu sameeyaan. Nabigeenuna scw, wuu ina amray inaan ku dadaalno guurka iyo helida ubadkaba sida ku cad diinteena. Waxaa loo dadaalaa, loo dhididaa, maal iyo moodba loo huraa in la koriyo ubad iyo tafiir kaa hadha oo magac iyo muunad kuu yeela. korintooda, waxbaristooda, caafimaadkooda iyo wanaagooda ayey ku bixiyaan wakhti badan iyo noloshooda oo dhan Aabaha iyo hooyadu. Bal ka warran hadii aabe sidaas u dadaalay oo dhalay wiilal badan oo ku bixiyey noloshiisa oo dhan si fiican u koriyey, aqoon iyo ilbaxnimo u yeelay, tarbiyo wanaagsan iyo sharaf dadka oo dhan ay kantaana u yeelay wadankoo dhana ka sheeganaa oo aad loogu han waynaa oo dadku yiraahdaan walee markay nimankaasu koraan bal ha la eego waxtarkooda iyo sida ay wax u badalaan! Ragii markii ay koreen oo lagaaray wakhtigii xoogooda la manaafacaadsan lahaa, oo waalidkii iyo umadoo dhanba ku farxi lahayd la yimaadaan wax aad loola yaabo oo “YAA” la yiraahdo oo ay tarbiyadii iyo suluukii wanaagsanaa ee aabahood ku soo koriyey mid aan ahayn la yimaadaan, oo hantidii aabayaashood soo tabcayeen mudo ku dhow nus qarni (40+ sano) ay hal bacaad lagu lisay ka dhigaan oo khasaare ay adag tahay ka soo kabashadiisu reerkii ku keenaan. oo dhaqan xumo iyo akhlaaq xumo ay layaabaan kuwii suuqa joogay ee markii hore umadu u tiqiinay inay dad xun yihiin yiraahdaan bal eega kuwan anagiiba naga badiyey MIYEYSAN AHAYN KU WAAD KA WARDHOWRAYSEEN INAY WANAAG KEENI DOONAAN? Hadee aabo waa beer wax dhalaye uu canaan iyo waano isku jirta is heyn waayo oo mar kasta uu isku dayo inuu wiilashiisa tuso waxan aan la fileynin ee ka soo if baxay. oo Markii aabihii yiraahdo: War aaway tarbiyadii aan idin baray? war aaway ixtiraamka dadka waalidka idiin ah iyo dadka waawayn? miyaad waligiin i aragteen anoo qof weyn oo muslim ah wax u dhimaya? oo hadaadba dabcigan iyo dhaqan xumidan la imaanaysaan maxaa keenay markaad qaan gaadheen? markaad ku dhowaateen wakhtigii rushdiga iyo garashada? Miyaad ilowdeen waxaan darsi muhiim ah idiin akhriyey. Kitaab kasta oo kaleba aad ilowdaan miyaad ilowdeen kii Bakar Abuu Zeyd ee “Xilyatu Daalibul Cilmi” ee aan idin huwiyey sidaan idiinku celcelinayey. Fiqhigii Islaamka ee qadiimka ahaa ma waxaad ku badasheen mid aan waji lahayn, meel loo raaco iyo sal adag toona lahayn.

Ma waxaad raacdeen waxyigii sheydaanka ee ahaa “Al-qaayatu tubariru Alwasiilah” oo shacaa’irtii ka tagteen? Jiridihii adkaa ee islaamka ee lama taabtaanka ahaa miyaad yaraankiina u fasaxdeen inuu salka ka gooyo. Tolkiin miyaad meeshay waxtar idinka dhowrayeen cabsiin iyo argagax gelin inaad ugu talisaan go’aansateen? Oo khalad aadba gashaana isugu hambalyeyseen inaad ilaahay ku raali gelinaysaan oo waliba jano ku galaysaan? Aniga iyo odoyaashii reerkana waxaan soo qaban karnay qabanay jiilaal adagna reerku waa marayaa xagee baad reerka u raraysaan? Fariinta aan wadnay sal adag bay leedahay wakhtiga iyo goobta iyo duruuftana isbadal dhamaystiran ku ma keento aragtidan guracan xageed ka keenteen? Waxaa ii muuqata in wadadii burburka iyo baaba’ ee reero badan oo dariskeena ah wiilashoodu ku kaceen in aad haysaan. Waxba waxbaa ka darane cuqdad iyo kalsooni la’aan idinkuma ogeyne maxaa ehel neceybka iyo shisheeye kalkaalnimada idiinku wacan? Waa beer wax dhalayoo hari maayee cataabyay oo calaacalyay oo tusaalayn iyo waxsheeg ka hari waayey. Hadee caasi waa habaaran yahaye waanadii wiilashii eede, colaad iyo neceyb u kordhisay. dagaal hoosaadkii icilaamiye, Aabahood nacalad dusha kaga tuure, tuhmo khiyaamo, karti la’aan, fulaynimo iyo cantatab ku dure! nijaasadii ay saydhayeen aabahood kaga bilaabe, intuu dibi dibi eryado ceydhsade, cid kastoo ka ag dhaweydna raaciye. nusuus la macno tiray iyo suugaan la marin habaabiyey ku adkeeye! Musiibo aan horey loo arag dhacday! odaygii anfariiri iyo yaab afkii kala jiidan. wax kasta oo hub ah oo uu usiiyey inay cadowgooda iskaga dhiciyaan isaga iyo ehelkiisii ku jeediye. aaladaha casriga ee labada afleh xumaantoodii ku duuliye!Wax bini aadam ah oo afgarta amaba ujeedadooda cabira lawaa! Jinnigii muslimka ahaa ee dhulkaas ku noolaa oo yaaban insigii ka dhax hadal! tilaamamahooda iyo waxa aan cidhibtiisa la mahadin doonin ee nimankaas ka soo socda tilmaame! Waa qamaaciir, waa saad la’aan, waa talo xumo ku soo gabagabeeye. ileen nimaad dhashay kuma dhaline odaygii yaraankii inkaarta qabay loo dir, oo odayga hadii uu naga hari lahaa oo fadhiisan lahaa geedigu waa hagaagi lahaa talo lagu goo. xagee ugu muhiimsan oo ka fadhiisanaa lays waydii. Dhagar qabihii ugu weynaa oo IBLIIS ka dhex hadlayo “INDHAHA” taladii ku soo ururi. Odaygii warkii hel oo is ilaalin iyo Alle bari gelyey. weeraro badan oo qarsoodi ah odaygii laguu soo qaad. Kaalmada ilaahay iyo xaqii uu ku lahaa;dhaawac mooyee; ujeedadoodii gaari waaye. Haseyeeshee “Hanjabaada iyo Is ilaalidu” iska socotay.

Odaygiina wali taladii iyo war kadaayadii ma joojin iyana meeshii ay ku socdeenba iyo hayaankii dheeraa ee reerka ay galinayeenba waxaa ka mashquuliyey siday odayga indhaha utiri lahaayeen ee geed ugu ururin lahaayeen. Ileen ilmuhu kala roone qaarkood dhibsade xumaanta waalidkii lagula kacay oo war bal si kale halagu dayo ku doode. Odayga indha la’aantiisu isaga ku ekaan maysee inagana way na indho tiri ku taliye haseyeeshee qalooc alifka kaa galay albaqra kumahagaagee taladoodii dheg iyo jalaq loo siin waa. Dhiig sokeeye iyo mid islaam-ba la dhax batalaqsay.

Odaygii oo intaas oo masiibo haysato, oo godkiisii biyo ugu galeen asaagiis iyo nimankii ay hoos katuurka lahaayeen odaygii eed madaxa kaga tuure. Adigaa dhalay, waa duriyadaadii oo tarbiyadaad ka halaysay kula doode. gurigey ka yimaadeen baa xumaa oo hadii adigu aad markaagii hore fiicnayd iyaguna waa fiicnaan lahayeen meel kasta la istaage. nacabkii odaygoo dhan durbaano qaate. Maxaanu ka digaynay? Maxaan idiin sheegnay? Fariinta odayga iyo falkiisuba waa xumaa isla xudubudhiye. odayguna ceelkuu kasoo cabay baa biyo ajo ah lahaa ku doode. qorshaha odaygu uu watay ee wiilasha uu ku anqariyey reer inuu dumiyo oo wiil iyo walaalkiis kala geeyo mooyee reer dhaqaal ma aha ku soo gabagabeeye. Wiilasha aabahood indhaha tiraya, ee walaalahood qoriga afka leh ku doondoonayo, qaarna aakhiro u diray tolka malagu aamini karaa weydiiye? Odaygii musiibo aduun isugu timid oo isweydii ilaahay wax madulmiyee waxanoo musiibo ah maxaad ku kasbatay? Cibaado iyo Allah xagiisa oo loo cararo iyo towbad keen iskula tacaal. Oohin hoosaad iyo is ciil kaambi la madluun. ku dadaburka qisadii nabi yuusuf aabihii iyo wiilashiisa tasliyo iyo qalbi qaboojin ka dhigay. is xusuusi ilaahay dardaarankiisii ahaa inaysan marna ka quusan naxariista Allah ilaa qole khasaartey mooyee. Allow ha i tacab khasaarinin ducadiisii ubadatay. Ileen waa hadale lamadaayee odayga intaasoo musiibo isugu darsantay ma barbaarintii ubadkuu ka ilduufay? Ma musiibo rabaani ah baa haleeshay oo qadarka ilaahay ku horeysay? Cadowga aan isaga iyo caruurtiisii ku caasiday toona aan u aabo yeelaynin ee soo xarko goosanaya ma helay wuxuu doonayey? Yididiiladii iyo rajadii laga qabay reerkan jiilaalku ku dheeraaday in ragii u kacay samatabixiyaan ma ka samirbaa?

W/Q: Abdirashid Aabi

aqbalaabi@gmail.com

1 Comment so far

Leave a comment

  1. asc aad ayu umahadsan yahay walalka maqaalka qorey walalaha halgan iyaguna aad ayaan ugu mahad celineyna walal maqaalku aad ayu u wanagsan yahay yaase weeye cida qadan nimankan shabaab ah iyaga un bu qumanohoda qorta ugu jira e alow naga qabo ina godane iyo inta qaska wado

Leave a comment

*