Ra’iisul Wasaaraha DFKM oo saaka soo kormeeray qeybihii gubtay ee suuqa Xamarweyne

January 26, 2012 - Written by

Muqdisho, Ra’iisul Wasaaraha DFKM Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka soo kor meeray qey bihii gubtay ee suuqa Xamarweyne oo xalay uu ka kacay dabweyn oo baabi’iyay qeybta qudaarta iyo raashinka ee suuqaasi. Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa kormeerkiisan ku wehlinayay Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta C/qaadir Jaahweyn, Taliyaha Booliska Jen. Shariif Sheekhuna Maye, Taliyaha Xooga Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini, Abaanduulaha hay’adda Nabadsugida Qaranka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud AXmed Nuur Tarzan.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu u kuurgalay qeybaha gubtay ee Suuqa wuxuuna mid mid u tegay dhamaan guryihii iyo bakhaaradii qudaarta ee gubtay, isaga oo ugu dambeyntiina la kulmay dadkii dhibanayaasha ahaa ee ay hantida ka gubatay.“Dhibaatada uu dabkani dhaliyay ma yara, waana aragnaa baaxadiisa, waxaan Alle uga baryeynaa dadkii ku hanta beelay in Illaahey deg deg ugu badalo wax kheyr qaba, anagu ka dowlad ahaana wixii karaankayaga ah gacan ayaa ka geysaneynaa” ayuu ku yir dadkii dhibaatadu ka soo gaartay dabkaasi wuxuuna u mahadceliyay ciidanka Boliiska iyo maamulka gobolka Banaadir isaga oo ku ammaanay sida ay uga qeyb qaateen daminta dabkan.

no images were found

 Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Gaas ayaa uga mahadceliyay ciidanka AMISOM sida ay uga qeyb qaateen daminta dabkan maadaama ay keeneen booyado dabdamis ah kuwaasoo si xoogan u rusheeyey.“Ganacsatada Soomaaliyeed waxaan ka codsaneynaa inay foojignaan badan ka sameeyaan oo ay ka taxadaraan waxyaalaha keeni kara sababaha dabka kiciya” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu isaga oo intaasina ku daray in dowladdu ii qiimeyn doonto baaxada hantida uu dabku baabi’iyay kadibna ay la kaashan doonaan cid kasta oo gacan ka geysaneysa sidii taakuleyn looga geysan lahaa khasaarahan.

Ugu dambeyntiina Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxa uu ka dalbaday Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo maamulka gobolka Banaadir in ay dib u dhiska suuqa ay qorshe cad u sameeyaan iyo jidad si looga fogaado inay soo noqdaan sababaha keena inuu dab ka dhasho suuqa.

—Dhamaad—-

 
Garad Salad Hersi
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-615536608
+252-6-2536608
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online