Ra’iisul Wasaaraha DFKM oo Rome kulan kula qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed, booqashana ku tegey Xafiisyada Safaarada

January 30, 2012 - Written by
Rome:-Ra’iisul Wasaaraha DFKM Dr Abdiweli Mohamed Ali Gaas oo booqasho rasmi ah ku jooga Rome, ka dib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga ayaa booqday Xafiisyada Safaarada Soomaaliya si uu ugu kuurgalo hantida Qaranka iyo xaalada ay ku suganyihiin. Safiirka Soomaaliya Nur Hassan Hussein ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku soo wareejiyey Guryaha iyo Xafiisyada Safaarada oo badankood uu bur-bur ka muuqday una baahan dayactir xoogan.
 
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Safaarada iyo shaqaalaheeda kala qeybgalay Qado Sharaf ay Safaaradu u sameysey Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdiga la socda.

no images were found

 
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed kula kulmay Rome ugana warbixiyey xaalada dalka, horumarka baaxadda leh ee laga sameeyey dhanka Amniga, Dib-u-heshiisiinta, Isku xirka Maamulada dalka iyo Dowladda dhexe, Maamul Wanaaga, Dastuurka qabyo qoraalka ah iyo Gar-gaarka Bani’aadanimo.Ra’iisul Wasaaraha ayaa waqti dheer siiyey Soomaalida oo uu uga jawaabayey su’aalaha ay qabaan, isla markaana dhageysanayey talooyinka ay Jaaliyadda Soomaaliyeed u soo jeediyeen Ra’iisul Wasaaraha iyo Dowladda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Jaaliyadda Soomaaliyeed dadaalkooda, kana codsaday inay sii laba jibaaraan oo ay kaalin xoog leh ka qaataan dib-u-dhiska dalka.
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia
& Spokesperson of the Government
Tel: +252615479911 or +252699998854
E-mail: ayarisow@opm.gov.so
E-mail: engabdirahman@gmail.com

 

 

Leave a comment

*

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online