Saddex dhalinyaro ah oo saaka lagu dilay magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan
January 2, 2012 - Written byHiiraan:-Ciidamo Soomaali ah oo sheegtay in ay yihiin maamulka Dooxada Shabeelle oo shalay la socday ciidankii Itoobiyaanka ah ee shalay la wareegay magaalada Beledweyne ayaa saaka waxaa ay ku dhex dileen magaalada Beled weyn 3-da dhalinyaro ah oo ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen ururka Al-shabaab, 3-da dhalinyaro ah ayaa waxaa ay la socdeen gaari rakaab ah oo ka yimid magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Ciidankaan Soomaalida ah ayaa waxaa ay kala soo degaan dhalinyaradaan baabuurkii ay saarnaayeen waxaan ay ku toogteen buundadad dhagax jabis oo dhinac bari kaga beegan magaalada Beledweyne, Sarkaal u hadlay ciidanka Dooxada Shabeele ayaa sheegay in 3 dhalin yarada ah ee ay dileen ay ka tirsanaayeen ururka Al-shabaab iyagoo ku dooday in ay ku go,doomeen galbeedka magaalada Beledweyne.
Magaalada Beledweyne ayaa shalay waxaa la wareegay ciidamo soomaali ah gacan ka hellay ciidamo Itoobiyaan ah oo wata taangiyo iyo hub culus iyadoo taas ay sababtay in ciidanka ururka Al-shabaab ay magaalada ka baxaan iyagoo hadda ciidankoodu uu xooggiisa ku sugan degmada buulo barde.
Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka jira deganaasho iyadoo cabsi laga qabo in dagaalku uu kui sii fido Gobolka Hiiraan iyo Gobolka Gal-gaduud taas oo sababi karta qax iyo barakac maadaama ilaa iyo intii ay gobolka Hiiraan ka talinayeen ururka Al-shabaab ay dadka rayidka ah ay ku soo laabeen gobolka.
A/cawaale
Halgan.net