Saleebaan Xagle toosiye oo ka horyimid go,aamadii ka soo baxay shirkii Taleex(Dhagayso)
January 20, 2012 - Written byHogaamiyihii hore ee ururka SSC Saleebaan Xagle toosiye ayaa waxaa uu waraysi uu siiyey Idaacadda BBC laanta Afka Soomaaliga ayaa waxaa uu dhaliil u soo jeediyey go,aamadii ka soo baxay shirkii Taleex oo lagu doortay Madaxweyne iyo 2-bo ku xigeen iyadoo Madaxweynaha Kaatumo State Of Somalia loo doortay Axmed Karaash oo ah siyaasi ka tirsanaan jiray Golaha Wasiirada ee Puntlland si weyna looga yaqaan degaanada Sool Sanaag iyo Cayn.
Dr.Saleebaan Xagle toosiye ayaa ku dooday in wax doorasho ah aysan ka dhicin madasha shirka Taleex balse odyaasha G6 ay xubnaha doorteen ayna marin habaabiyeen u jeedadii shirka Taleex oo ahaa in maamul Gobolleed buux lagu dhiso, Xagle Toosiye ayaa waxaa uu baaq u diray bulshada degta SSC waxaan ugu baaqy in shir turxaan bixin ah si deg deg ah la iskugu yimaado dhinac kale khilaaf ka u dhexeeya S/lland iyo SSC ayaa ku baaqay in lagu xaliyo nabad isagoo ku canbaareeyey dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Buuhoodle Maamulka S/lland.
Dr Saleebaan Xagle toosiye ayaa sidoo kale ka horyimid khubadii iyo balantii uu ka hor qaaday mar uu hadal ka jeediyey Shirkii wadata shiga ee hogaanka SSC uga socday magaalada Taleex isagoo balan qaday in uu taageerayo wixii go,aamo ah oo ka soo baxa shirka Taleex.
Hoos ka Dhagayso waraysiga Hogaamiyihii hore ee SSC Dr Saleebaan Xagle toosiye
[audio:https://halgan.net/Mp3/xaglatoosiye.mp3] Source BBC
M_M_Deeq
Halgan.net