Saleebaan Xagle toosiye oo ka horyimid go,aamadii ka soo baxay shirkii Taleex(Dhagayso)

January 20, 2012 - Written by

Hogaamiyihii hore ee ururka SSC Saleebaan Xagle toosiye ayaa waxaa uu waraysi uu siiyey Idaacadda BBC laanta Afka Soomaaliga ayaa waxaa uu dhaliil u soo jeediyey go,aamadii ka soo baxay shirkii Taleex oo lagu doortay Madaxweyne iyo 2-bo ku xigeen iyadoo Madaxweynaha Kaatumo State Of Somalia loo doortay Axmed Karaash oo ah siyaasi ka tirsanaan jiray Golaha Wasiirada ee Puntlland si weyna looga yaqaan degaanada Sool Sanaag iyo Cayn.

Dr.Saleebaan Xagle toosiye ayaa ku dooday in wax doorasho ah aysan ka dhicin madasha shirka Taleex balse odyaasha  G6 ay xubnaha doorteen ayna marin habaabiyeen u jeedadii shirka Taleex oo ahaa in maamul Gobolleed buux lagu dhiso, Xagle Toosiye ayaa waxaa uu baaq u diray bulshada degta SSC waxaan ugu baaqy in shir turxaan bixin ah si deg deg ah la iskugu yimaado  dhinac kale khilaaf ka u dhexeeya S/lland iyo SSC ayaa ku baaqay in lagu xaliyo nabad isagoo ku canbaareeyey dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Buuhoodle Maamulka S/lland.

Dr Saleebaan Xagle toosiye ayaa sidoo kale ka horyimid khubadii iyo balantii uu ka hor qaaday mar uu hadal ka jeediyey Shirkii wadata shiga ee hogaanka SSC uga socday magaalada Taleex isagoo balan qaday in uu taageerayo wixii go,aamo ah oo ka soo baxa shirka Taleex.

Hoos ka Dhagayso waraysiga Hogaamiyihii hore ee SSC Dr Saleebaan Xagle toosiye

[audio:https://halgan.net/Mp3/xaglatoosiye.mp3] Source BBC

M_M_Deeq
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online