Saynisyahan Mustafa Axmadi Roshan oo lagu khaarajiyey dalka Iran
January 11, 2012 - Written byTehraan:-Dalka Iraan waxaa lagu dilay saynisyahan ka shaqeyn jiray waaxda nukiliyarka ee dalkaasi. Ninkani ayaa la dilay kadib markii lala beegsaday bambaano caasimadda dalkaasi ee Tehraan.Wakaaladda wararka ee Iran aya sheegtay in qof bayskiil wattay uu waxyaabaha qarxa saaray gaariga ninkaasi, waxaa magaca ninkaasi lagu sheegay Mustafa Axmadi Roshan, oo ka shaqeyn jiray xarunnta kobcinta tayyada nuclearka ee Natanz.
Waa weerarkii afaraad ee lagu dilo qof saynisyahan ah labadii sano ee lasoo dhaafay. Laba weerar oo hore waxaa sidoo kale gaystay qof bayskill wattay oona adeegsanaayay bomb.Weriyayaasha iyo dad marti ku ahaa telefishin ka dalkaasi ee Press TV ayaa ninkaasi la dilay ku tilmaamay in uu ahaa professor wax ka dhigo jaamacadda.
Xigasho : BBC