Shir looga hadlayo Roadmap-ka oo ka furmaya magaalada Nairobi
January 10, 2012 - Written byNairobi:-Waxaa maanta si rasmi ah uga furmi doona magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya shir ay soo qabanqaabiyeen xafiiska siyaasada qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya UNPOS ,shirka ayaa waxaa looga hadli doonaa waxyaabihii u qabsoomay madaxda DFKM iyo sidii deg deg loogu fulin lahaa qorshaha Roadmap-ka iyo hishiiskii Kampala ku dhexmaray madaxda DFKM.
Shirkaan ayaa waxaa DFKM uga qayb galay wafdi uu hogaaminayo Ra.iisul wasaaraha DFKM Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maalmo ka hor soo gaaray magaalada Nairobi ,Shirka ayaa waxaa kale oo la filayaa in la isla soo qaado hishiisyadii lagu kala saxiixday shirarkii wadatashiga ee ka kala dhacay magaalada Muqdisho iyo Garoowe oo abaabulkooda iyo horgelin tooda ay gacan ka geysteen UNPOS.
Xubno ka tirsan xafiiska siyaasada ee Qaramada Midoobay u qaabilsan UNPOS ayaa waxaa ay ku howlan yihiin siddii dalkja Soomaaliya uu u gali lahaa marxalada loo yaqaan Federalka arrinkaas oo siyaasiyiin badan ay xulka u duubayaan walow ay jiraan rag aan arrintaas ku qancsanayan oo u badan siyaasiyiin xilal hore ka soo qabtay dowladii hore soomaaliya oo uu madax u ahaa Maxamed Siyaasad Bare.
Ra.iisul wasaaraha DFKM Dr Cabdi weli Gaas iyo wafdigiisa ayaa laga sugayaa in uu maamulada ka jira Soomaaliya uu ku qancyo arrinta Roadmapka iyo qaabka ugu haboon oo marxalada ku meel gaarka looga gudbi karo waan arrinta ay beesh caalamku ku cadaadinayso madaxda DFKM iyo maamulada taageersan.
A/cawaale
Halgan.net