Shir looga hadlayo Roadmap-ka oo ka furmaya magaalada Nairobi

January 10, 2012 - Written by

Nairobi:-Waxaa maanta si rasmi ah uga furmi doona magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya shir ay soo qabanqaabiyeen  xafiiska siyaasada qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya UNPOS ,shirka ayaa waxaa looga hadli doonaa waxyaabihii u qabsoomay madaxda DFKM iyo sidii deg deg loogu fulin lahaa qorshaha Roadmap-ka  iyo hishiiskii Kampala ku dhexmaray madaxda DFKM.

Shirkaan ayaa waxaa DFKM uga qayb galay wafdi uu hogaaminayo Ra.iisul wasaaraha DFKM Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maalmo ka hor soo gaaray magaalada Nairobi ,Shirka ayaa waxaa kale oo la filayaa in la isla soo qaado hishiisyadii lagu kala saxiixday shirarkii wadatashiga ee ka kala dhacay magaalada Muqdisho iyo Garoowe oo abaabulkooda iyo horgelin tooda ay gacan ka geysteen UNPOS.

Xubno ka tirsan xafiiska siyaasada ee Qaramada Midoobay u qaabilsan UNPOS ayaa waxaa ay ku howlan yihiin siddii dalkja Soomaaliya uu u gali lahaa marxalada loo yaqaan Federalka arrinkaas oo siyaasiyiin badan ay xulka u duubayaan walow ay jiraan rag aan arrintaas ku qancsanayan oo u badan siyaasiyiin xilal hore ka soo qabtay dowladii hore soomaaliya oo uu madax u ahaa Maxamed Siyaasad Bare.

Ra.iisul wasaaraha DFKM Dr Cabdi weli Gaas iyo wafdigiisa ayaa laga sugayaa in uu maamulada ka jira Soomaaliya uu ku qancyo arrinta Roadmapka iyo qaabka ugu haboon oo marxalada ku meel gaarka looga gudbi karo waan arrinta ay beesh caalamku ku cadaadinayso madaxda DFKM iyo maamulada taageersan.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online