Si walba u Dil W/Q Shiikh Axmed Cabdisamad

January 14, 2012 - Written by

Sheekh Abuu xassaan baa qoray maqaal uu ku suntay “Iska dil” , anigu waxaan ka fahmay muslimka sabab iyo sabab la’aanba iska dil, laakiin maqaalku kama hadlin in dadka la iska dilayo dhinac walba laga dilayo, si walbana loo dilayo; Sidaa darteed waxaan jeclaystay in aan qormadan qeybteeda koowaad ku soo bandhigo siyaabaha kala duwan ee xarakada AlShabaab ay shacabka Soomaaliyeed u disho, waxaana rajeynayaa in aan qeybteeda labaad ku soo bandhigo dhinacyada kala duwan ee ay ka dilaan shacabka.

Siyaabaha kala duwan ee Alshabaab u dilaan shacabka Soomaaliyeed:

 

1.     Dil toos ah oo noqon kara toogasho bareer ah ama mid qarsoodi ah, waana hababka ugu dhibta iyo argagaxa badan ee ay bulshada u laayaan.

 

2.     Dil toos ah oo ku yimaada weerar lagu qaaday koox, qabiil ama maamul, kaas oo ay ku hoobtaan dad farabadan oo labada dhinacba ah (isku soo jimlee kuwa kaa dhintay iyo kuwa qolada kale ka dhimatay), waana dagaalada sababa geerida ugu badan, barakaca iyo sabool nimada.

 

3.     Dil ama xasuuq dadban oo ku yimaada habka dadweynaha reer Muqdisho ay u bixiyeen ii soo baaq aan ku soo wecee!. Kaas oo looga jeedo in xaafadaha iyo suuqyada laga dhex rido madfac inta badan ku habsada dadkeena ama cidla ku dhaca, ka dibna gaaladu ay madaafiic ku asqaysiiyaan xaafadihii iyo suuqyadii shacbiga ahaa.

 

4.     Dil dabargoyn ah, oo looga jeedo in dhallinyaradii ummadda lagu hubeeyo qoryo fudud, ka dibna la yiraahdo ku qamaama ama u daata dhufaysyo ay ka sokeeyaan taangiyo iyo madaafiic aan xisaab lahayn. Habkaas oo la sheegay in marar badan hoggaanka xarakadu kaga takhaluso ragga uu kahday.

 

5.     Dil isku dhaf ah oo laga wado in si shirqool ah lagu dilo qof ama dad badan, ka dibna la faafiyo in qolo heblo dishay; si qolada wax laga diley iyo qolada lagu nabay isugu rogmadaan.

 

6.     Gaalo ku dilis iyo u gacangalin ka dhalata in deegaan la qabsado, ka dibna la salloxo sababihii loogu soo duuli lahaa. Markii cadowgu yimaadana la hor cararo.

 

7.     Gaalo u loogis ku timaada:

 

a)     in dadweynaha hubka laga dhigo, kolkay gaalo timaadana la isaga tago cadowgii iyo dadkii oo waranleyaal ah.

 

b)    in la ciribtiro hoggaanka bulshada gaar ahaan saraakiisha ciidamada qalabka sida oo hormuud ka nqon lahaa difaaca diinta, dadka iyo dalka, dilkooduna sahlayo in bulshada sidii la doono laga yeelo.

 

c)     In la laayo, lana qixiyo dhallinyaradii ummadda difaaci lahayd, kaas oo u sahlaya cadowgu inuu dalka iyo dadkiisa baylah ka helo.

 

Gabagabadii qodobadaani waxay ka mid yihiin siyaabaha xarakada Alshabaab u dabargoyso shacabka Soomaaliyeed iyada oo ku andacoo naysa inay ummadda u hiilinayso, diintana koryeelayso!. Haddaba waxaa ina la gudboon in aynu is barbardhigno falalka Alshabaab dad keena kula kacayo iyo halkudhegyada uu ku andacoonayo; si aynu u hubsano in ficilkooda iyo qowlkoodu  is waafaqsan yahay ama is khilaafsan yahay.

Axmed C/samad

alwaqaar@hotmail.com

12 Comments so far

Leave a comment

  1. A.S.C. ALLAHA KU XIFDIYO,WAA MAXAY DOORKEENA,WAA IN AAN WARAAQAHA AAN BADINAA DADKA UQEYBINAA DAL IYO DIBADBA WAAYO DADKA MAWADA HEYSTAAN AMA MAWADA AQRIYAAN ENTER,WAA IN AAN LAGU SIIDEYNIN HOOSH AAD AYEY UBAAXAD WEYANTAHAY WAA IN AAN ALLE DARTII U ISTAAGA NAA,OO AAN KHAWAARIJ KA HORTAGNAA,DHINAC DHAQAALAH WAA IN LASOO DIRO DAD AAMIN AH IYO WADAN WALBA WAX LAGU SOO QORAA,IYO MEESH LAGU SOO DIRAAYO.WAXAAN KAA SUGNAA WAA QORAALE KALE,

  2. Asc wr wb Ilaahay haku xifdiyo Sh Axmed Cabdisamad waxaad si layaableh u iftiimisay dabar go’a ku socda shacabkeena somaliyed iyo hababka Alshabaab hogaga iyo halaaga ugu shubaan shacabka masaakiinta ah ee abaaraha iyo colaadaha aan dhamaadka lahayn daashadeen waxaan lee yahay ilaahay subxaanahu watacaalaa umadaan isagaa abuurtee culaysyada faraha badan ee ku dulhabsaday haka dulqaado aamiin aamiin aamiin sc wr wb.

  3. sheeekh runta ayuuu ku jihaadayaa iminka wa geeesinimo aan caaadi ahayn marka inshalah allaaha xifdiyo sheekh axmed cabdisamad geeesi weynnnnnnnnnnnnnnnnnn dheh

  4. asc masha allaah sheikh alaah yaxfadak illahayow wadadadeena noo xifdi codowga ka xafid bi idnilaah waa dadashay ilaah hakuu dadaaleey siiwad dadaalkaaga insha allaah waxbana kama qaadi karaan wixii kuu hanjaba asaga ayaa dhib qabay ilaahay beey hanjabaad usugnaaday asegeeyna gacantiisa kujiraan wixii birito kuugu dhici lahaa ee hanjabaadooda yeeysan wax kuu dhibin insha alaah ilaah ayya kula jiro bi idnilaah

  5. Asc, sh,Axmed wad asiibtay,marka hore aan kugu hanbalyeeyo gesinimada iyo cilmiga ka muuqda qoralkaga(taasna waa da,biga culumada siiba xiliga fitanta) marka labaaad aan kugu la taliyo inaad sii wado qoraladan oo kale runtii shakhsi ahaan anigu qoraladada wa daneyaa, mar aad dawro noogu soo jeedisay masjidka Salaxu diina ee Galkacyana dhawsno ka horna waligay ma iloobayo waxay ahyd Dawro loo bogay! Jazakaallahu khyran wa axsana ilayk. Ilahay haku xifdiyo,ameeen.

  6. abuu khaalid majhuulka waxaan leeyahay adeer adigu uguma horayn wax culumada u hanjaba waxaana ku xasuusinaaayaa dilkii ugu damayay ee sheekh axmad xaaji c/raxmaan naxsibuhu shahiidan walaa nusakii calalaahi axdan culumada ka sokow waxaan ku leeyahay dhamaan dadka soomaaliyeed ayaa diyaar u ha in ay xaqa u dhintaan kuna dhintaa takfiirka iyo waxaa la wareegaysona la diriraan

    culumada somaliyeed ee saxwada waxaan ka codsanaynaa in ay umada hogaamiyaan oo hurmuud unoqdaan

  7. A/C
    WALAALAYAAL AAD BAAD UGU MAHADSAN TIHIIN SOO GUDBINTA MAQAALKAAS QAYMAHA BADAN.
    LAAKIIN SHEEKH AXMED IYO WALAALLADA TACLIIQIYEYBA WAXAY HILMAAMEEN GOWRICII IYO MADAXII QOSLAAYEY OO GEEDKA LA SARI JIRAY
    WABILLAAHI TTOWFIIQ

  8. Waxaad soo qortay fahamnaye, sidee lagu badbaadin karaa dhilinta qalbiga wanaagsanee ficilka qaldan loo horseedayo, yaa utaagan iney dhaqaan qalbiyadan lagu beeray xasuuqa iyo dabargoynta wata magaca jihaad,?

  9. sheekhayga axamad wuu mahad sanyahay warfiican iyoo xog badana wuu kahayaa nimankaas waxaan leeyahay sheekh xogta soobandhig haday fooli timaado gudo qarsiimo mahadhin

  10. sh axmad markaan ninmank waa usoo qlab qaadatay waxkasta oo kugu dhacana malaha waad udiyaar garowday waayo markaad sidaan uhujuumto nimanka waxaad odkatahay in dhiigaaga labanaysandoono sida caadada ah

    أسأل الله أن يحفظ أهل ولايته وناصري حقه

  11. Assalaamu Caleyku Waraxmatullaah.

    Sheekh Axmed Allahaa noo barakeeyo, wax kasta oo wax dhibana haka dhawro Asaga & Culumadeena kale ee Rabbaaniyiinta ahba.
    Aad ayaan ugu baahannahay wacyigalinta Culumada,waxgaradka & dhammaan inta ka naxaysa umadoodaan meel walba looga soo duulay, Alle Awoodiisa kadibna afkooda & adinkooda dhawraya.
    Waan taageersanahay sida aan muxaadarooyinka & nadawaadka culumada uga dhageysanay, in firqadaan yaree dhaalada ah looga hortago waxkasta oo la awoodo; haba ugu horeyso wacyi galin & in khaladaadkooda Qaawan & mu’aamaraadkooda dahsoon umadda loo cadeeyo e’ .

    Umadani ma baaba’ayso ( insha Allaah),aanse ka hortagno: cidlo ku soo dhicidda masaakiinta, agoomeynta/rajeynta ubadka,gablaminta waaridka, gambo-cad u saaridda hablaha, indho ka rididda umadda & dhammaan naafeymta ay wadaan dadkaan maanka la’ ee jinigu ku shaqeysanayo.

    Waxaan ka tuuki lahayn dhalinyaradda la qalday ee jecelyl Alle (SWC) & Rasuulkiisa (SCW) uuna qalbigoodu ku jiro rumetnta maalina danbe ee xisaabta; in ay isaga soo baxaan gododkaan baas una soo baxaan dadkooda soo dhaweynaya ee ku farxaya & xornimadii ay haysteen tan & markay dhasheen. Ka fakara aayihiina if & aakhriro, maxaa idiin dana?.

    Waxaan ugu naseexayn lahayn, Culumada & dhalinta akhyaarta ah ee mustadcafiinta iska dhigaya, wax aan geynna ku raali noqday, in ay naftooda & umadooda u hiiliyaan; waxaan xujo noqonanna ayan isku qancin. Kasoo baxa! meelaha aan idiin cunnamin eed ku baqaneysaan, miyaan Diintaani xaq idinka saarnayn, miyuusan Alle nafta gooyin oo guntin?. Maxaad Alle la hortagaysaan maalin dhaw?. Illaah baan idinku dhaarine! qaata go’aan rajuulanimo, ummadana wax ka badbaadiya, Allena wuu idiin dhaafin dunuubtiina haduu doona, anaguna waan idiin heelanahaye. Hadiikalese waad iga ogaal badantihiin waxa aan idiinka digayo, ee iska jira in aand ku sii socotaan karaali noqoshada gumaadka ummdda ugu kheyrka badan mid dibada loo soo raaro!! . .

  12. Asalaamu Calaykum W. W

    shiikh axmed aad iyo aad ayaan u daneeyaa maqaaladaada iyo qoraalada aad ka samaysid qolyahan isku dahaaraya maga diinta iyagoo diintii ka fog. Waxaan aad iyo aad kuugu guubaabinayaa in dhalinyarta aniga da’dayda ah la baro oo far waaweyn loogu qoro qolyahan shabaabka layiraahdo maxaa yeelay dad badani waxey ku kadsoomayaan magaca diinta ee ay isku dahaarayaan.

Leave a comment

*