Urur Gobaleedka IGAD oo sharci daro ku tilmaamay Doorashada Madoobe Nuunoow Max’ed
January 10, 2012 - Written byAdisababa:-Warsaxaafadeed ka soo baxay maanta xafiiska Urur goboleedka IGAD ayaa waxaa uu ka hadlay xaalada siyaasadeed ee qalafsan oo ka dhex taagan xildhibaanada baarlamaanka DFKM wuxuuna ugu horeyn soo dhaweeyeen horumarkii laga gaaray arrimaha Dastuurka iyo guulihii ay gaareen Ciidamada DFKM iyo kuwa AMISOM waa sida ku xusan warsaxaafadeedkooda.
Warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu xusay in ay sharci daro tahay doorashadii Madoobe Nuunoow Max’ed loo doortay gudoomiyaha golaha baarlamaanka DFKM waxay ku tilmaameen mid khilaafsan cahdiga ku meelgaarka ee DFKM
Urur goboleedka IGAD ayaa ugu baaqay xildhibaanada DFKM in ay xaliyaan khilaafkooda ayna hergaliyaan heshiiskii Kampala, Road Map-ka iyo waxyaabihii ka soo baxay Shirkii wadatashiga ahaa ee ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland.
Warsaxaafadeedka maanta ka soo baxay Urur Gobaleedka IGAD ayaa waxaa si buuxda loogu taageeray go’aankii ka soo baxay guddiga Amniga qaranka ee DFKM taasi oo looga soo horjeestay magacaabistii Madoobe Nuunoow Max’ed.Xildhibaanadii doortay Madoobe Nuunow ayaa waxay ku tilmaameen kuwo canaasiir ah oo carqalad ku ah hannaanka nabadda Soomaaliya.
A/Cawale
Halgan.net