Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Jerry Rawlings oo soo gaaray Muqdisho(sawiro)
January 25, 2012 - Written byMuqdisho:-Wakiilka Midowga Afrika ee dalka Soomaaliya Jerry Rawlings iyo wafdi uu horkacyo ayaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaana uu kulan la qaatay madaxweynaha DFKM Shiikh Shariif Sheekh Axmed kulanka ayaa waxaa uu ka dhacay xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.
Madaxweynaha DFKM ayaa waxaa ku weheliyey kulanka uu la yeeshay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Jerry Rawlings Ra’iisulwasaaraha DFKM Dr.Cabdiweli Maxamed Gaas.Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Jerry Rawlings oo la hadlay warbaahinta ka dib markii uu soo idlaayey kulankii uu la qaatay Madaxweynaha DFKM Shariif Sh. Axmed ayaa waxaa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu soo gaaro magaalada Muqdisho iyada oo ay wax weyn iska badaleen amaankeeda lagana furay xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee UNPOS .
no images were found
Madaxweynaha DFKM Shiikh Shariif oo isna la hadlay saxaafada ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay ugna mahad celiyey imaatinka Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Jerry Rawlings Muqdisho iyo sidda ay Midowga Afrika ugu da daalayaan soo celinta nabadgalyada dalka Soomaaliya.
Dhanka kale Wakiilka Qaramada Midoobn u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa sheegay mar uu shalay ka hadlay xaflada lagu furayey xafiiska siyaasada Qaramada Midoobay UNPOS in dhowaan la soo kordhin doono tirada Ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho iyada oo bisha Janaayo la gaarsiin doono ayuu yiri ilaa 12000 askari halka wajiga labaad la gaarsiindoono ilaa 17737-askari oo ka socda Midowga Africa kuwaas oo ka qeyb qaadan doona howl galada ay ciidamada AMISOM ka wadaan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.
Mar wax laga weydiiyey Augustine Mahiga dowladaha balan qaaday in ay ciidamo u soo diraan dalka Soomaaliya ayuu ka gaabsaday in uu sheego kuwa ay yihiin iyo goorta ay imaanayaan waxaana umada Soomaaliyeed ay wada ogyihiin in ciidamada Ugandha iyo kuwa Burundi la soo kordhiyo mar kasta.
A/Cawale
Halgan.net