Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Jerry Rawlings oo soo gaaray Muqdisho(sawiro)

January 25, 2012 - Written by

Muqdisho:-Wakiilka Midowga Afrika ee dalka Soomaaliya Jerry Rawlings iyo wafdi uu horkacyo ayaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaana uu kulan la qaatay madaxweynaha DFKM Shiikh Shariif Sheekh Axmed kulanka ayaa waxaa uu ka dhacay xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha DFKM ayaa waxaa ku weheliyey kulanka uu la yeeshay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Jerry Rawlings Ra’iisulwasaaraha DFKM Dr.Cabdiweli Maxamed Gaas.Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Jerry Rawlings oo la hadlay warbaahinta ka dib markii uu soo idlaayey kulankii uu la qaatay Madaxweynaha DFKM Shariif Sh. Axmed ayaa waxaa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu soo gaaro magaalada Muqdisho iyada oo ay wax weyn iska badaleen amaankeeda lagana furay  xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee UNPOS .

no images were found

Madaxweynaha DFKM Shiikh Shariif oo isna la hadlay saxaafada ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay ugna mahad celiyey imaatinka Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Jerry Rawlings Muqdisho iyo sidda ay Midowga Afrika ugu da daalayaan soo celinta nabadgalyada dalka Soomaaliya.

Dhanka kale Wakiilka Qaramada Midoobn u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa sheegay mar uu shalay ka hadlay xaflada lagu furayey xafiiska siyaasada Qaramada Midoobay UNPOS   in dhowaan la soo kordhin doono tirada Ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho iyada oo bisha Janaayo la gaarsiin doono ayuu yiri ilaa 12000 askari halka wajiga labaad la gaarsiindoono  ilaa 17737-askari oo ka socda Midowga Africa kuwaas oo ka qeyb qaadan doona howl galada ay ciidamada AMISOM ka wadaan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Mar wax laga weydiiyey Augustine Mahiga dowladaha balan qaaday in ay ciidamo u soo diraan dalka Soomaaliya ayuu ka gaabsaday in uu sheego kuwa ay yihiin iyo goorta ay imaanayaan waxaana umada Soomaaliyeed ay wada ogyihiin in ciidamada Ugandha iyo kuwa Burundi la soo kordhiyo mar kasta.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online