War-saxaafadeed Ururka Al-shabaab oo shaqadii ka joojiyey Hay,adda ICRC
January 30, 2012 - Written byMuqdisho:-Ururka Al-shabaab ayaa waxaa uu maanta ka mamnuucay Gobollada uu ka taliyo Hay,adda ICRC oo ah Hay,adda ka shaqaysa dhinac gargaarka ,War saxaafadeedka oo ka soo baxay xafiiska kor meera arrimaha Hey’adaha Ajnabiga ah ee ururka Al-shabaab ee (OSAFA) ayaa lagu sheegay in Hay,adda ICRC ay raashin dhacay ka qaybisay Gobllada abaaruhu ka jiraan ee ay ka howl gasho Hay,adda sidaas darteedna looga joojiyey shaqadii.
Masuuliyiinta Ururka Al-shabaab ayaa dabagal ay sameeyeen waxaa ay ku ogaadeen in Hay,adda ICRC raashin ay qaybi say inta badan uu ahaa mid dhacay oo waxyeelo gaarsiin kara dhalaanka soo koraya iyo dadka waayeelka ah oo ka soo kabanaya abaartii ku dhufatay dalka Soomaaliya sanadkii la soo dhaafay.
Halkaan riix Closure of the International Committee of the Red Cross (ICRC)
Office for Supervising the Affairs of Foreign Agencies (OSAFA)
“Safeguarding the welfare of the Muslim Ummah”
Halgan.net