Xaflad lagu maamuusayey Doorashada Nabadoonka C/llaahi Bille Saciid oo ka dhacday Kismaayo

January 30, 2012 - Written by

Kismaayo:-Xaflad aad u ballaaran oo ay isugu yimaadeen Nabadoonada deegaanada Jubbooyinka, waxgaradka, Cuqaasha deegaanka, Maamulka Walaayada Kismaayo ayaa ka dhacday Hotel Kismaayo oo ku yaal bartamaha magaalada Kismaayo, xafladaas oo lagu caleemo saarayey Nabadoonka Guud ee Beesha Ciise Maxamuud ee deegaanka Jubbooyinka C/llaahi Bille Saciid iyo Kuxigeenkiisa Nabadoon Maxamed Collow Muuse.

Nabadoonka Guud ee Beesha Ciise Maxamuud ayaa Sanado badan xilkan u hayey si kumeel gaar ah , kaddib markii uu 10 sano kahor uu geeriyooday Nabadoonkii guud ee Beesha Allaha u naxariistee Xaaji Daahir oo ahaa Nabadoonka guud ee Beesha , isagoo ahaa nin aad looga yaqaanay deegaanada Jubbooyinka, isagoo xilkaas haayey muddo ku dhowaad ah 51 sano ah.

Saldanada Beesha Ciise Maxamuud ee deegaanka jubbooyinka ayaa soo jiitamaysay muddo kor u dhaafaysa 280 sano, waxaana saldanahaan soo maray Cuqaal kor u dhaafaysay Lix, kuwaas oo qayb weyn ka ahaa taariikhda Beesha Hartigu ay ku leedahay deegaanka Jubbooyinka.

Cuqaashii iyo masuuliyiintii kala duwanaa ee Xafladan ka soo qab gashay ayaa aad u soo dhoweeey sida ay beesha Ciise Maxamuud ay isugu soo raaceen hogaanka guud ee Dhaqanka Beesha ,kaas oo ahaa mid soo jireen ah.

Odayaasha qaarkood ayaa sheegay in dhaqankii ay lahaayeen Beelaha Wada dega Jubbooyinka uu god ku dhacay kaddib markii deegaanka Jubbooyinka sanadihii uu danbeeyey uu galay dhul-boob iyo nabaad-guurin lagula kacay dadkii deegaanka, iyagoo sheegay in Xafladan maanta la soo dhex dhigay dadka deegaanka ay soo noolaynayso Dhaqankii iyo kala danbayntii deegaanka Jubbooyinka.

Nabadoonka guud ee Beesha Ciise Maxamuud oo goobtaas maanta lagu guddoonsiiyey Kitaabka Quraanka Kariimka ah ayaa dardaaran usoo jeediyey dadkii ka soo qayb galay xafladaas , isagoo sheegay in uu si ku meel-gaar ah uu soo hayey muddo laga joogo 10 sano iyo in ka badan howshaan, isagoo sheegay unuu yahay nin da’ ah oo si fiican u garanaya dhaqanka deegaanka Jubbooyinka , isagoo illaahay ka baryey inuu howshan u fududeeyo.

“ Beesha Kaliya kuma doorane , waxaa ku doortay dadka degan deegaanka jubbooyinka ” sidaas waxaa yiri Caaqilo dhowr ah oo ka soo jeeda deegaanka , iyagoo si fiican u soo dhoweeyey Nabadoonka Beesha, maadaama uu ahaa nin aad ay u yaqaaneen,

Duqa iyo ku xigeenkiisa ayaa looga soo hanbalyeeyey daafaha Caalamka iyo deegaanada Jubbooyinka, iyadoo dadku ay aad ula socdeen Xaflada guud ee loo sameeyey Duqa guud ee Beesha Ciise Maxamuud iyo Ku xigeenkiisa.

Nabadoonka Guud ee Beesha ayaa magacaabsitiisu ay noqotay mid lagama maarmaan ah waqtigan, maadaama uu si ku meelgaar uu u hayey muddo kor u dhaafaysa 10 sano, waxaana waxgaradka beesha, Ganacsata , aqoonyahanka ay goosteen asbuucii la soo dhaafay in si rasmiya Nabadoonka loogu caleemo saaro masuuliyadan.

Waxaan ka cudur daaranaynaa Sawirada oo aan noo suuragelin inaan soo qaadano, iyadoo goobta Xaflada Sawirada laga mamnuucay, maadaama madasha xafladani ay ka soo qayb galeen Maamulka Walaayada ee Al- shabaab oo gacanta ku haaya maamulka magaalada Kismaayo.

Leave a comment

*

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online