Xildhibaan Madoobe Nuunoow Maxamed oo loo doortay Gudoomiyaha Baarlmaanka DFKM
January 4, 2012 - Written byMuqdisho:-Baarlamaanka DFKM ayaa galabta u doortay gudoomiyaha cusub xildhibaan Madoobe Nuunoow Maxamed kadib cod bixin ka dhacday xarunta Golaha Shacbiga ee magaalada Muqdisho.
Doorashada gudoomiyaha oo ay isu soo taageen shan murashax ayaa wareegi koowaad waxa uu kusoo gaba gaboobay iyadoo uu ku hogaaminayey Mr Nuunoow 130 cod, halka xildhibaanada kusoo xigay oo kala ahaa Xuseen Cumar, Sheekh Nuur Cali Aadan, Cali Afgooye iyo Maxamuud Macalin Yaxye ay kala heleen cododka 33, 16, 16 iyo 68 cod.
Wareegi labaad oo ku soo aaday maqribki ayaa ka dhigay in ay u tana sulaan xildhibaanada la tartamayey Madoobe Nuunoow maadaama uu si weyn uga horeeyey, waxaana inta aanan la galin wareega labaad si toos ah libinta loo siiyey xildhibaan Madoobe Nuunoow oo sidaasi ku noqday gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka.
Xildhibaan Madoobe Nuunoow oo hadal ka jeediyey munaasabada ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay xilka loo dhiibay, isaga oo sheegay inuu si sax ah u gudan doono mas,uuliyada la saaray.
Beesha caalamka ayuu ka codsaday durbadiiba in ay la shaqeyso taageerana siiso baarlamaanka KMG Soomaaliya. Hadalkiisa ayuu ku xiray in uu dib kasoo sheegi doono waqtiga la qaban doono shirka xiga ee isaga lagu dhaarin doono laguna soo dooran doono gudoomiye ku xigeenka koowaad.
Gabagabadii munaasabada ayaa marki farxad iyo sacab lagu kala dareeray ciidamada AMISOM oo amaanka sugayey goobta ka galbiyey gudoomiyaha cusub iyaga oo ku qaaday gaadiidka gaashaaman ee lagu yaqaano madaxda in lagu kaxeeyo.
Waxaanan la ogeyn habka ay uga hadli doonaan madaxda kale ee dowlada oo horay u cambaareeyey xil ka qaadisti 13-ki bishi hore lagu sameeyey gudoomiyi hore Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Halgan.net