Xilibaan ka tirsan Golaha Baarlamaanka Puntlland oo lagu dilay degmada Baargaal.
January 27, 2012 - Written byBargaal:Waxaa galabta lagu dilay Allaha u naxariistee degmada Baargaal ee Gobolka Bari Xildhibaan ka tirsan Golaha wakiilada ee Puntlland xili ay rasaas ku fureen gaari uu saarnaa ka dib markii ay murmeen niman maleeshiyo ah oo hubey san, xildhibaan ka ayaa u geeriyooday rasaasta lagu furay gaarigii uu saarnaa halka darawalkii gaariga u waday uu soo gaaray dhaawac.
Kooxda maleeshiyaadka ah ee xildhaanka dilay ayaa la aqoon sababta ay u dileen xildhibaan ka soo jeeda Bariga fog gaar haan degmada Caluula iyo Baargaalba balse dilka xilibaanka ayaa ah mid salka ku haya arrin siyaasadeed oo ay ku lug leeyihiin rag siyaasiyiin ah oo ka biyo diidsan qodobo ka soo baxay shir ay beesha degta degmada Baargaal la qaateen Madaxweynaha Puntlland Dr.Cabdiraxmaan Faroole.
Xilibaanka lagu dilay galabta degmada Baargaal ayaa lagu magacaabaa Allaha u naxariisteen Bile Maxamuud Yuusuf isagoo isla maanta ka soo baqoolay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari si uu u soo booqdo qoyskiisa oo deganaa degmada Caluula, Masuuliyiinta dowllada Puntlland ayaan ilaa hadda ka hadal falka dilka ah ee maanta lagula kacay xilibaan ka tirsan Golaha wakiilada ee Puntlland.
M_M_Deeq
Halgan.net