Bayaan ay ka soo saareen Beesha Leelkase dilka Dr Ahmed Xaji C/raxmaan (Akhriso)
November 2, 2012 - Written byGaalkacyo:-Shabakadda Wararka ee Halgan.net ayaa waxaa soo gaaray nuqul ka mid ah bayaan ay soo saareen Isimada ,Cuqaasha iyo waxgaradka Beesha Leelkase kaas oo ku aadan dilkii foosha xumaa ee loo geystay Sheekh Dr.Ahmed Xaaji C/raxmaan Raximahulaah, Beesha leelkase ayaa waxaa ay shir ku yeesheen magaalada gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug waxaan ay ka wada hadleen natiijadii ay soo saareen gudiga madax banaan ee ku aadan dilkii Sh Dr Axmed xaaji Cabdiraxmaan iyo cid sida rasmiga ah uga danbaysay waxaan ay taageereen natiijada gudiga Madax banaan waxaan ay soo saareen bayaan Halkaan ka akhriso Bayaankii Beesha leelkase ay ka soo saartay shir ay ku yeesheen magaalada Gaalkacyo 31.12.2012 PDF ah ma ah markii ugu horaysay oo ay beesha leelkase bayaan ka soo saaraan dilka Shiikh Dr Axmed Xaaji Cabdi raxmaan 31.12.2011 ayaa beeshu waxaa ay soo saartay bayaankii ugu horeeyey oo ay kaga hadleen cid disha Sh Dr Axmed Xaaji Halkaan ka eeg bayaankii ay soo saareen sanad ka hor
BAYAAN AY SOO SAARTAY BEESHA LEELKASE OO KU SAABSAN DILKII DR. AXMED XAJI C/RAXMAAN OO LADILAY TARIIKHDU MARKAY AHAYD 05/12/2011
1.Haddaan nahay Isimada, Cuqaasha, Aqoon yahanka, Culumaa’udiinka, iyo Dhamaan Qaybaha kale duwan ee Beesha Leelkase waxaan mahad ballaaran u soo jeedinaynaa Guddigii baarista Dilka Dr. Axamed Xaaji C/raxmaad kuna guulaystay helista Falkii foosha xumaa iyo danbiilayaashii ka qayb qaatay.
2-Sidoo kale waxaan u mahad celinaynaa Dowlada Puntland oo aad isugu hawshay soo qab qabashada dhagar qabayaasha dilka u gastay Sheekha.
3.Waxaan kale oo aan u mahad celinaynaa Dowlada Fadaraalka oo kiiskaan dilka Sheekha ku taageertay khuburo aad uga qayb qaadatay baarista Danbigaan waxshinimada ah.
4-Waxaana cadaynaynaa in ay ka danbaysay dilka Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan Kooxda Al-shabaab qaybta amniyaadka.
Codsi
1-Beesha Leelkase waxay Dowlada Puntland ka codsanaysaa in la horkeeno sharciga Danbiilayaasha loo hayo Dilkii Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan .
2-Dadkii ka qayb qaatay dilkii sheekha oo wali aan gacanta lagu soo dhigin waxaan ka codsanaynaa Dowladda Puntland Dowladda Fadaraalka iyo waliba Booliis ka Caalamiga ah ee Interpol in ay ka qayb qaataan soo qabashada danbiilayaashaas Maqan si sharciga loo horkeeno
3-Waxay beesha leelkase waxay ugadigaysaa qabaailka ay ka dhasheen danbiilayaasha in ay kawaantoobaan iskudayga ay ku hawlanyihiin in ay sii daayaan danbiilayasha Kiis kaan loo hayo.
4–Waxaan ka codsanaynaa in ay ka qaybqaataan soo qabashada danbiilayaasha maqan iyo in sharciga la horkiino kuwa lahayo
MAGACYADA BAYAANKA SOO SAARAY
1) Af hayeen Xaaji Maxamuud Ibraahim Cagmadhige
2) Sheekh Yuusuf Xaaji Xirsi Maxamed
3) Caaqil C/llaahi Jaamac Ciise
4) Nabadoon Jaamac Aadan Xasan
5) Nabadoon Maxamed Cilmi Cumar
6) Nabadoon Xasan Aadan Cali
7) Nabadoon Cali Cabdille Isxaaq
8) Sheekh C/raxiin Cismaan Aadan
9) Sheekh Xasan Diiriye Ow Jaamac
10) Sheekh Maxamed Cismaan Aadan
11) Dr. Maxamuud C/qaadir Shoole
12) Samadoon Siciid Yuusuf Xaaji
13) Caaqil Cali Maxamed Axmed (Cali Madoobe)
14) C/naasir Cigaal Xirsi ( Faracadde)
15) Xildhibaan Xuseen Axmed Nuur
Bayaankaan ayaa waxaa na soo gaarsiiyey beesha leelkase oo shir ku qaatay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug 31.10.2012
Halgan.net
Gaalkacyo
Archives |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
English Article
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Somali Links
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Fatwa Online
|
3 Comments so far
Leave a comment
Marka ugu horaysa Illahay ayaa mahad is kale. Allahii fududdayay In la, helo danbiilayaashii. Marka labaad waxaan aad ugu amaanayaa beesha sheekhu ka dhashay sida masuuliyada iyo kaadsiiyaha leh ee ay ula shaqeeyeen gudiga baarista u xil saarnaa iyo umada Soomaaliyeed. ugu danbeytii Halgan.net aad ayay ugu mahadsanyihiin shaqada ay u hayaan umada Soomaaliyeed.
ilaahow noosahal aad baan oogu mahad celin haynaa gudiga daaha kafayday dhiig cabayaashi kadam beeyaya dilkii sheesha ale haa idin guleeyo waad gulaysateen, dhagar qabayashana ale haa fadee xadeeyo amiin
Alleylehe Geesinimo dheh, kuwa ummadda moodaya inay qori ugu cago jugleyn karaan ha arkeen inaan caddeynta dh/qabeyaasha marnaba looga baqeyn nin dagaalama dagaalkiis, ina godanena sidaan allaha raxmaanka ah ka baryeyneyo wuu soo gacangeli doonaa oo la marin doonaa caddaaladda uu mudan yahay.