Bayaan ay ka soo saareen Beesha Leelkase dilka Dr Ahmed Xaji C/raxmaan (Akhriso)

November 2, 2012 - Written by

Gaalkacyo:-Shabakadda Wararka ee Halgan.net ayaa waxaa soo gaaray nuqul ka mid ah bayaan ay soo saareen Isimada ,Cuqaasha iyo waxgaradka Beesha Leelkase kaas oo ku aadan dilkii foosha xumaa ee loo geystay Sheekh Dr.Ahmed Xaaji C/raxmaan Raximahulaah, Beesha leelkase ayaa waxaa ay shir ku yeesheen magaalada gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug waxaan ay ka wada hadleen natiijadii ay soo saareen gudiga madax banaan ee ku aadan dilkii Sh Dr Axmed xaaji Cabdiraxmaan iyo cid sida rasmiga ah uga danbaysay waxaan ay taageereen natiijada gudiga Madax banaan waxaan ay soo saareen bayaan Halkaan ka akhriso Bayaankii Beesha leelkase ay ka soo saartay shir ay ku yeesheen magaalada Gaalkacyo 31.12.2012 PDF ah  ma ah markii ugu horaysay oo ay beesha leelkase bayaan ka soo saaraan dilka Shiikh Dr Axmed Xaaji Cabdi raxmaan  31.12.2011 ayaa beeshu waxaa ay soo saartay bayaankii ugu horeeyey oo ay kaga hadleen cid disha Sh Dr Axmed Xaaji  Halkaan ka eeg bayaankii ay soo saareen sanad ka hor

BAYAAN AY SOO SAARTAY BEESHA LEELKASE  OO KU SAABSAN DILKII DR. AXMED XAJI C/RAXMAAN OO LADILAY TARIIKHDU MARKAY AHAYD 05/12/2011

1.Haddaan nahay Isimada, Cuqaasha, Aqoon yahanka, Culumaa’udiinka, iyo Dhamaan Qaybaha kale duwan ee Beesha Leelkase waxaan mahad ballaaran u soo jeedinaynaa Guddigii baarista Dilka Dr. Axamed Xaaji C/raxmaad  kuna guulaystay helista Falkii foosha xumaa iyo danbiilayaashii ka qayb qaatay.

2-Sidoo kale waxaan u mahad celinaynaa Dowlada Puntland oo aad isugu hawshay soo qab qabashada dhagar qabayaasha dilka u gastay Sheekha.

3.Waxaan kale oo aan u mahad celinaynaa Dowlada Fadaraalka oo kiiskaan dilka Sheekha ku taageertay khuburo aad uga qayb qaadatay  baarista Danbigaan waxshinimada ah.

4-Waxaana cadaynaynaa in ay ka danbaysay dilka Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan Kooxda Al-shabaab qaybta amniyaadka.

Codsi 
1-Beesha Leelkase waxay  Dowlada Puntland ka codsanaysaa in la horkeeno sharciga Danbiilayaasha  loo hayo Dilkii Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan .

2-Dadkii ka qayb qaatay dilkii sheekha oo wali aan gacanta lagu soo dhigin waxaan ka codsanaynaa Dowladda Puntland Dowladda Fadaraalka iyo waliba Booliis ka Caalamiga ah ee Interpol in ay ka qayb qaataan soo qabashada danbiilayaashaas Maqan si sharciga loo horkeeno

3-Waxay beesha leelkase waxay ugadigaysaa qabaailka ay ka dhasheen danbiilayaasha in ay kawaantoobaan iskudayga ay ku hawlanyihiin in ay sii daayaan danbiilayasha Kiis kaan loo hayo.

4Waxaan ka codsanaynaa in ay ka qaybqaataan soo qabashada danbiilayaasha maqan iyo in sharciga la horkiino kuwa lahayo

MAGACYADA BAYAANKA SOO SAARAY  

1)    Af hayeen    Xaaji Maxamuud Ibraahim Cagmadhige

2)    Sheekh   Yuusuf Xaaji Xirsi Maxamed

3)    Caaqil C/llaahi Jaamac Ciise

4)    Nabadoon    Jaamac Aadan Xasan

5)    Nabadoon    Maxamed Cilmi Cumar

6)    Nabadoon    Xasan Aadan Cali

7)    Nabadoon    Cali Cabdille Isxaaq

8)    Sheekh   C/raxiin Cismaan Aadan

9)    Sheekh   Xasan Diiriye Ow Jaamac

10)  Sheekh Maxamed Cismaan Aadan

11)  Dr.  Maxamuud C/qaadir Shoole

12)  Samadoon  Siciid Yuusuf Xaaji

13) Caaqil Cali Maxamed Axmed (Cali Madoobe)

14)  C/naasir Cigaal Xirsi  ( Faracadde)

15)   Xildhibaan  Xuseen Axmed Nuur

 

Bayaankaan ayaa waxaa na soo gaarsiiyey  beesha leelkase oo shir ku qaatay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug 31.10.2012

Halgan.net
Gaalkacyo

Leave a comment

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online