Booqashadii Sheekh Maxamuud Sh.Maxamed Shible ee dalka South Africa.

November 7, 2012 - Written by

Boqashada sh.maxamud oo ahayd intii u dhaxaysay 18-Oct-7 Nov 2012 ayuu sheekhu kumaray gobolo kala duwan oo ay ku dhaqan yihiin bulshada soomaaliyeed eek u nool wadankan south Africa. Sheekhu muddadan uu dalka joogay wuxuu ka jeediyay masaajidda iyo maraakista muxaadaraad muhiim ah,  isagoo sheekhu kulamo kala duwan la qaatay qaybaha bulshada,waxayna ahaayeen kulamadii sheekha sidan.

Ducaadda:

Sheekhu wuxuu si xeeldheer ugu dhiiri galiyay ducaadda ku howlan dacwada inay u dhabar adeygaan howsha ay ku jiraan isla markaana ay xoogga saaraan sidi ay kor ugu qaadi lahaayeen aqoontooda,isagoo sheekhu u dardaarmay in ay dacwada u gutaan si ay xikmadi ku jirto.

Dhallinyarada.

Shekhu kulanki uu la qaatay dhalinyarada oo ahaa mid aad u xiisa badan wuxuu xoogga saaray in dhalinyardu ay ku baraa rugsanaadaan masuuliyadda saran eek u aaddan wax u qabadka dalka iyo dadka kuwa ay halkan kula nool yihiin iyo kuwa gudaha ku suganba. sheekhu wuxuu ka warramay marxaladihii kala duwanaa ee umadda somalida ahi soomartay isagoo tusaalayaal badan soo qaatay. Ugu danbayn sheekhu wuxuu kula taliyay dhalinyarada in ay ay ku xidhnaadaan culumadda iyagana ka qaataan wixii diin ah ee mugdi kagalo iyo in ay si miisaaman u qiimeeyaan dhacdooyinka iyo waayaha soo mara waxyaabaha ay xanbaarsanyihiin iyagoo aan xoogga saaraynin xamaasadda kali ah.

Dumarka:

Sh.maxamuud muxaadaraadkii uu u jeediyay dumarka wuxuu xoogga saaray xal u helidda caqabadaha  ka horyimaadda hooyada qurbaha kunool, iyo in xilka hooyada duruftaas ku nool uu ka culus yahay xilkii saarnaa markay waddankeedi joogtay. wuxuu kaloo sheekhu ku xeeldheeraaday sida loo wanaajinkaro xidhiidhka qoyska qurbaha ku nool iyo tarbiyada caruurta qurbajoogta ah,isagoo sheekhu wax badan ku dhisayay khibraddisa gaarka ah ee uu u leeyahay nolosha qurbaha.

Waxaa intaa dheeraa oo garab socday kulamadaas aan tilmaanay, kulamo uu sheekhu lalahaa wax garadka kala duwan ee bulshada,iyo muxaadaraadka waaweyn ee masaajidda iyagoo dadku ay su’aalo badan waydiiyeen sheekhuna si fiican  uga haqabtiray .

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online