Hawlgalo ay sameeyeen Ciidanka dowlada hoose ee Garoowe oo sababay khasaaro

November 13, 2012 - Written by

Garoowe:-Waxaan maanta magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland ka dhacay iska horimaad sababay dhimasho iyo dhaawac ka dib markii ciidamo ka tirsan dowlada hoose ay bilaabeen in ay bur buri yaan sandaqado sharci daro ah oo laga dhisay magaalada gudaheeda.

Ciidanka dowlada hoose ee Garoowe ayaa markii ay goobta soo gaareen oo ay bilaabeen in ay burburiyaan sandaqadaha sharci darada ah ayaa waxaa arinkaas diidmo ka muujiyey qolyihii sandaqada dhistay waxayna  rasaas ku fureen ciidamadii ku guda jiray bur burinta sanadqada waxaana ku dhintay 2 askari waxaana dhaawac uu soo gaaray 2-bo kale oo ka tirsan ciidanka Puntland.

Ciidamada amaanka ee magaalada Garoowe ayaa ku guuleysatay in ay gacanta ku dhigeen ragii rasaasta ku furay ciidamada dowlada hoose ee ka howlgalayey magaalada Garoowe waxayna soo qabteen 3 qof waxaana loo dhaadhiciyey xabsiga dhexe ee  magaalada Garoowe.

Magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland ayaa waxay ku talaabsatay horumar la taaban karo waxaana si weyn wax looga qabtay bilicda magaalada Garoowe ka dib markii mudo ku dhow sanad ay Ciidamada dowladda hoose ee Garoowe ay wadeen burburinta sandaqadaha  sharci darrada ah ee laga sameystay hareeraha wadooyinka iyo agagaarka xarumaha dowlada.

Ma ah markii ugu horeysay oo ay shaqaaqo ka dhacdo deegaano ka tirsan Puntland iyada oo dadka sandaqadaha dhista ay ku doodayaan in aan la siin boos kale oo ay meheradahooda ku iibsadaan iyo in aan la soo wargelin wakhti ku filan.

Hoos ka daawo bilicda magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland

no images were found

M_M Deeq
Halgan.net
Xuquuqda masawirada
http://www.caalami.com/?p=15774

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online