Booliska Boosaso oo xiray Xoghayihii hore ee Madaxweynihii hore ee DGPLGen. Cadde Muuse

November 7, 2012 - Written by

Boosaaso:-Ciidanka Booliska ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa  waxaa saaka ay howl galo ku bartilmaamsadeen siyaasiyiin iyo masuuliyiin horay uga tirsanaan jiray maamulka Puntlland kuwaas oo loo taxaabau xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso.Ciidamo fara badan oo hubaysan ayaa waxaa ay  xariga kula kaceen  Faarax Cabdullaahi Cumar  oo mar ahaan jiray Xoghayihii hore ee Madax weynihii hore ee dowllada Puntlland Gen. Cadde Muuse .

Faarax cabdullaahi Cumar ayaa ah sidoo kale  nin ganacsade ah  ciidanka xiray  masuulkaan ayaa waxaa hor kacayey Taliyaha ciidanka Booliska Boosaaso  Cismaan Afdalow.

Warar kale oo soo baxaya oo aan weli rasmi ahayn ayaa sheegay in Ciidanka Booliska ay ku raad joogaan Cabdicasiis Salaad Gacamay  oo ah Sarkaal horay uga tirsanaa Ciidanka Booliska Puntlland iyo guddoomiyii  hore ee Gobolka Bari  Maxamuud Faarax Beeldaaje .

Taliska Ciidanka Booliska Boosaaso ayaan ilaa hadda ka hadal xariga saaka loo geystay siyaasi Faarax Cabdullaahi Cumaroo horay uga tirsanaan jiray maamulka Puntlland iyo u jeedad ka danbaysa xarigiisa arrinkaas oo ku soo beegmaysa xariga jiid siyaasadeed oo u dhexeeya siyaasiyiin dhaliilsan Madaxda dowllada Puntlland iyo siyaasadood iyo Dowllada Puntlland.

Warka dib baan idinkaga soo faahfaahin doonaa insha Allaahu ee ha moogaanina

M_M_Deeq
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Asl. Dhaman dadwaynaha reer puntland waa inaysan maqal ragii dawladihii fashilmay lashaqeeyey. Maanta puntland waa maamul horumar hiigsanaaya, jaad cunki waa ku yar yihin hada. Waxa dhulka dhiman kaalintii qurba joogta ee horumarka. Si hufana aan isu saxno wsc wr wr

Leave a comment

*