Dagaalo u dhexeeya ciidanka DFS iyo Al-Shabaab oo ka dhacay Bakool

November 30, 2012 - Written by

Xudur:-Wararka naga soo gaaraya gobalka Bakool ayaa sheegaya in maanta dagaal culus uu dhexmaray ciidamada DFS iyo Ururka  Al-Shabaab duleedka Degmada Xudur ka dib markii weerar gaadmo ah lagu qaaday ciidamada Dowlada fedraalka ee Soomaaliya.

Dagaalka ayaa ahaa mid culus oo socday ku dhawaad saacad waxaana ku dhintay 10 rux sida ay dad goobjoogayaal ah oo ku sugan Degmada Xudur ay sheegeen.

Gudoomiyaha gobolka Bakool ee DFS Maxmed Cabdi Mayoow oo saxaafada saaka la hadlay ayaa guul ka sheegtay dagaalka maanta ka dhacay duleedka Xudur wuxuuna sheegay in ay askar ka dileen Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka maanta ka dhacay duleedka Xudur ayaa waxaa uu ku beegmayaa xili ay ciidamo badan oo Itoobiyaan ah ay soo galeen gobalada Bakool iyo Gedo kuwaas oo taageeraya ciidamada DFS .

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxmuud iyo Raisulwasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn  ayaa xalay kulan ay wada qaateen waxay ku sheegeen in labada dowlad ay ku heshiiyeen in ay iska kaashadaan Ganacsiga iyo Amniga iyada oo ay dowlada Itoobiya balan qaaday in ay tababar u furi doonto saraakiisha ciidanka DFS.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online