DFS oo ku wareejisay UK dhulkii ay Safaaradda ka furan laheyd.[War-Saxaafaddeed]
November 21, 2012 - Written byMogadishu, Somalia, November 21, 2012 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud ayaa ku soo dhaweeyey Xarunta Villa Somalia Wafdi ka socday United Kingdom (UK) Kuna wareejiyay dhulkii ay ka dhisan lahayeen Safaaradooda cusub .
Wafdigaas ayaa waxaa horkacayay Safiirka UK u qaabilsan Soomaliya mudane Matt Baugh.Waxeey na aad ugu farxeen in lagu wareejiyay dhulkii ay ka Furan lahayeen Safaradooda ku taala Soomaaliya. Maalintii shalay ayaa waxey aheyd markii Villa Soomaliya lagaga aqbalay warqadahiisa Safiirnimo, Safiirka cusub ee Australia usoo magacawday Soomaaliya. Waxaa soo kordhayo dalalka doonayo in ay ka furtaan saafarado rasmi ah Soomaaliya.
Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dalalka kale ee Beesha Caalamka in ay dowladda soo dhaweyneyso dalkasta ee doonaya in xiriir caalami ah lasamaysto dalkeena Soomaaliya oo hada nabadii dib loo yagleelay.
Malik Abdalla
Agaasimaha Warfaafinta
Villa, Somalia, Muqdisho