Guddoomiyihii hore Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere oo geeriyooday
November 15, 2012 - Written byMuqdisho:-Waxaa saaka ku dhintay magaalada Muqdisho guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) isagoo saaka ku geeriyooday Isbitaalka Xalane oo maalmihii u danbeeyey lagu daweynayey.
Guddoomiyihii hore ee Gobolka banaadir Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere ayaa inta uusan noqon Guddoomiyaha Gobolka banaadir waxaa uu maamuli jiray Magaalada Jowhar oo ay dowlladii ugu horaysay oo uu Madaxweyne ka ahaa Col.Cabdullaahi Yuusuf Axmed Ra’iisul wasaarena uu ka ahaa Prof.Cali Maxamed Geedi ay ka dhigteen Saldhig.
Guddoomiyihii hore ee Gobolka banaadir Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere ayaa lagu wadaa in isla maanta lagu aaso magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya iyadoo aaskiisa ay ka soo qayb gali doonaa masuuliyiin ka tirsan DFS iyo maamulka Gobolka banaadir
A/cawaale
Halgan.net