Gudoomiyaha baarlamaanka oo sheegay in cod loo qaadi doono xukuumada Saacid 17 November
November 5, 2012 - Written byMuqdisho:-Guddoomiyaha baarlamaanka JFS Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ka codsaday R/W DFS Cabdi Faarax Shirdoon in golihiisa wasiirada uu horkeeno baaralamaanka DFS si codka kalsoonida loogu qaado ka hor 17-ka bishan November.
Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa shalay hadal kooban uu ka jeediyey munaasabadii uu R/W Saacid uu ku soo bandhigayey Liiska golihiisa wasiirada ayaa waxaa uu codsi u diray R/W DFS wuxuuna ku adkeeyey in xukuumada Raisulwasaare Shirdoon ay iska soo xaadiriyaan ka hor 17-ka bishan November golaha baarlamaanka DFS .
Dhanka kale Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS ayaa ugu baaqay golaha wasiirada ee DFS in ay hadii la ansaxiyo ay noqdaan kuwa u shaqeeya dadka iyo dalka Soomaaliyeed ayna ka hormariyaan danahooda gaarka ah mid danta guud.
Qaar ka mid ah Xidhibaanada golaha Baarlamaanka ee DFS ayaa qeylo dhaan ka muujiyey wasiirada tirada yar ee uu soo magacaabay Raisulwasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) balse waxaa la wada dhowrayaa mowqifka ay qaadan doonaan xildhibaanada DFS maalmaha soo socda.
A/Cawale
Halgan.net