Gudoomiyaha gobolka Mudug Tigey kuwii dilay Sh.Dr Axmed Xaaji Ehel iyo xigto nooma ah
November 10, 2012 - Written byGaalkacyo:-Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey iyo wafdi la socda ayaa waxaa ay mudo 3 maal mood ah ay ku sugnaayeen degmada Goldogob ee Gobolka Mudug, Wafdiga uu horkacayey guddoomiyaha Gobolka Mudug ayaa waxaa ay ka qayb galeen Xaflad loo sameeyey ciidamo ka tirsan dowllada Puntlland oo loogu tala galay in ay ilaaliyeen nabadgelyada amaanka Gobolka Mudug gaar ahaan degmada Goldogob.
Xaflada loo sameeyey ciidanka dowllada Puntlland ee degmada Goldogob ayaa waxaa ka hadlay Isimo, nabadoon iyo waxgarad iyadoo markii danbe uu hadal ka jeediyey Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey isagoo ciidanka ku booriyey in ay ilaaliyaan Xuduuddaha ayna isha ku hayaan kooxaha doonaya in ay kala dhantaalaan Nabadgelyada degaanada Puntlland gaar ahaan Gobolka Mudug
Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey ayaa xusay in kooxo ka tirsan ururka Al-shabaab oo ka yimid Koonfurta dalka Soomaaliya ay si dhuumaalaysi ay u soo galaan degmada Goldogob ka dibna ay uga soo talaabaan degaanada kale loona baahan yahay in laga digtoonaado oo ay ciidanku howshooda ka soo baxaan isagoo arrinkaas ku daray in degmada Goldogob ay difaac u tahay degaanka Xaafuun oo ilaa 1000 KM u jirta iyo degaano kale oo badan.
Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey ayaa xusay in kooxdii dishay Sheekh Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan aysan ehel iyo xigtooyo mid na lahayn sidaas darteena loo baahan yahay in si wada jir ah loola dagaalamo oo la iska celiyo si aysan hal doorka umada aysan u layn.
Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey ayaa waxaa uu ku amaanay bulshada reer Goldogob in ay caan ku yihiin in ay iska difaacaan cid walba oo ku soo xadgudbta sharaftooda iyo nabadgelyadooda loona baahana yahay in dalka iyo dadka la difaaco.
Ugu danbayntii ayaa Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey ayaa waxaa uu sheegay in maamulkiisa ay la dagaalameen kuwa nabadiidka ah iyo burcad badeedka amaanka Gobolka Mudugna uu yahay mid wanaagsan.
M_M_Deeq
Halgan.net