H’ayada nabad sugida ee gobalka Banaadir oo sheegtay in hub iyo dhalinyaro ay qabteen
November 24, 2012 - Written byMuqdisho:-H’ayada nabad sugida ee gobalka Banaadir ayaa maanta saxaafada u soo bandhigtay dhalinyaro ah iyo hub ay sheegtay in ay ku soo qabatay howlgalo ay ka sameysay xalay iyo saaka degmada Yaaqshiid gaar ahaan xaafada Cali turcaaye ee gobalka Banaadir.
Taliyaha ha’ayada nabad sugida ee gobolka Banaadir Col.Khaliif Axmad Ereg oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in baaritaano iyo howlgalo ay ka sameeyeen saacadihii la soo dhaafay xaafada Cali turcaaye ee degmada Yaaqshiid ay gacanta ku soo dhigeen hub iyo dhalinyaro ka tirsan Ururka Al-Shabaab kuwaas oo ka howlgali jiray magaalada Muqdisho.
Col.Khaliif Axmad Ereg ayaa sheegay in ay heleen xog in guri ku yaal xaafada Cali turcaaye ee Degmada Yaaqshiid ay hub ku duugteen dhalinyaro ka tirsan Al-Shabaab sidaas darteed ay ciidanka DFS iyo kuwa nabad sugida ee gobalka Banaadir ay soo qabteen hubkii iyo dhalinyaradiiba.
Howlgalada ay ciidamada DFS iyo kuwa ha’ayada nabad sugida ee gobolka Banaadir ay ka fuliyaan xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka cabanay dadweynaha ku dhaqan xaafadahaas iyaga oo ku eedeynaya in ay iska xirtaan dhalinyaro aan ka tirsaneyn ururka Al-Shabaab iyada oo markii danbe lagu lagu soo daayo lacag.
A/Cawale
Halgan.net