Laba askari oo ka tirsan Booliska Kenya oo lagu toogtay magalada Garissa

November 16, 2012 - Written by

Garissa:-Wararka ka imaanaya magalada Garissa ayaa sheegaya in maanta dhu´hurkii halkaas lagu toogtay laba askari oo ka tirsan Booliska Kenya waxaana ay toogashada ka dhacaday suuqa wayn ee magalada Garissa ee Suuq Mugdi .

Toogashada labada askari ee ka tirsan ciidanka Booliska ee Kenya ayaa saxaafada u xaqiijiyey taliyaha saldhiga booliska ee magalada Garissa wuxuuna sheegay in ay baxsadeen raga dilka u geystay labada askari.

Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Booliska iyo Melatariga ayaa soo gaaray suuqa wayn ee magalada Garissa ee Suuq Mugdi waxayna qabteen dad ku sugnaa suuqa iyaga oo la aaday saldhiga Booliska magalada Garissa .

Ma aha markii ugu horaysay oo magalada Garissa lagu toogto askar ka tirsan ciidanka Booliska ee Kenya waxaana ay dowlada Kenya ku eedeysaa mar walba dilalka ka dhaca  magalada Garissa Ururka Al-Shabaab.

Ilaa haatan ma jiraan cid sheegatay dilka labada askari ee maanta duhurkii lagu toogtay suuqa wayn ee magalada Garissa ee Suuq Mugdi .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online