Madaxweynaha DFS oo Digniin u Diray Dhamaan Ciidamadda Qalabka Sida(War-Saxaafaddeed)

November 25, 2012 - Written by

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa maanta la kulmay dhamaan Taliyayaasha ciidamada qalabka sida iyo saraakiisha sar-sare Kulankaas ayaa waxaa ka soo qeybgalay Raisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) , Wasiirka Gaashaandhiga Mudane C/Xakiim Fiqi, iyo Wasiirka Arimmaha Guddaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdi Xakiim Xuseen Guleed.

Ugu horeyntii Madaxwenyanaha  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi u diray dhamaan wiilashii iyo gabdhihii ka geeriyooday Ciidamada Qalabka sida una dhintay dalkooda iyo dadkooda. Sidoo kale wuxuu u mahad celiyay kuwa habeen iyo maalin u taagan in ay dalkooda iyo dadkooda difaacaan.

Kadib markaas ayaa laga hadlay ujeeddada kulankaan oo aheyd in la saxo qaladaad dhaco taasna ay muhiim u tahay isbedelka cusub ee Dowladnimo.” Dowlanimo waa kalsooni, wanaag, iyo sharaf.Askariga dadka halaga illaaliyo hana lagu illaaliyo”.Waxeey taarikhdu xustay in qoladda ay shacabka la jiraan ay ku guuleystaan dagaalka saas darteedna layska qabto kuwa fara kutiriska ah ee xun ee ciidamada ku dhex jira.

“Qofkii qof dilaa waa dil.Kufsigana waa dil” shareecada islaamka ayaa saas qaabto Qanuunkana waa dhaqan gelinaynaa meeshaas ayey naga joogta ayuu Madaxweynaha qudbadiisa ku sheegay.Xanuunka meel xun uu gaaray gabdhaheena waa sharafteena, cidii kufstana waa dil uma dul qaadaneyno.

no images were found

Ugu danbeyntii ayaa wuxuu sheegay in isbaaro ama jidgooyo la sameyn karin oo cida kaliya oo lacag aruurin karto ay tahay Wasaaradda Maaliyada. Halkaasna ciidamada Qalabka sida waxey ku balan qadeen in ay la dagaalamayaan cid walbo oo sharafta qaranka, umadda iyo amniga ku xad gudubto.

Office of the Somali President
Mogadishu
Somalia

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online