Madaxweynaha DFS oo qaabilay Wafdi ka socda Dowladda Switzerland
November 1, 2012 - Written byMogadishu:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xassan Sh.Maxamuud ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socday Dowladda Switzerland oo ay hogaami nayeen Safiirka iyo Xoghayaha Koowaad ee dalka Swiss u qaabilsan Dalka Soomaaliya. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdiga ayaa ka wada hadlay xiriirka labadda dalka iyo sidii Dowladda Switzerland uga qayb qaadan lahayd xasilinta dalka, dib u dhiska iyo Horumarinta.
Safiirka Dowladda Swiss ee dalka Soomaaliya ayaa u sheegay Madaxweynaha in markii hore Soomaaliya ay ka caawin jireen dhanka beni’adamnimadda hayeeshee haatan wixii ka dambeeya qorshoodu ballaarin doonaan isla markaana Dowladdda Soomaaliya ay ka taageeri doonaan siyaasadda, dib u dhiska goboladda dalka iyo dib u habeeynta Nidaamka Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe.
Ugu dambeeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya ayaa ka gudoomay Safiirka warqad hambalyo ah oo ay u soo dirtay Madaxweynaha Swiss Eveline Widmer Schlump isagoona aad iyo aad uga mahad celiyey.
– Dhamaad –
Agaasimaha Warfaafinta
Xafiiska Madaxweynaha
Moqdishu, Somalia,
media@presidency.gov.so