Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxmuud oo dib ugu laabatay Muqdisho

November 30, 2012 - Written by

Muqdisho:-Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxmuud ayaa maanta duhurkii dib ugu soo laabatay magaalada Muqdisho ka dib markii uu socdaal ku soo maray wadamada Jabuuti iyo Itoobiya .

Madaxweynaha DFS ayaa waxaa ku soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Ra’iisul wasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon iyo guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari  iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowladda federaalka ee Soomaaliya .

Madaxweynaha DFS ayaa intii uu joogay wadamada Jabuuti iyo Itoobiya waxaa uu kulamo kala duwan uu la yeeshay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle  iyo Raisulwasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn iyaga oo ka wada hadlay sidii looga taageeri lahaa DFS dhinacyada amaanka iyo Federaalka.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

256,854 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>