Madaxweynaha JFS oo maanta garoonka Aden Cadde kula kulmay Wendy Sherman
November 4, 2012 - Written byMuqdisho:-Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxmuud ayaa maanta waxaa uu kulan kula qaatay garoonka diyaaradaha ee magaalada MuqdishoWendy Sherman oo ah kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda dalka Mareykanka ee arrimaha siyaasadda waxyna ka wada hadleen xaalada dalka Soomaaliya.
Wafdiga ay hogaaminayso Wendy Sherman oo ah kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda dalka Mareykanka ee arrimaha siyaasadda ayaa waxay ka wada hadleen Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxmuud sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblamaasiyadeed ee labada dal .
Madaxweynaha JFS ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay wafdiga ay hogaaminayso kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda dalka Mareykanka ee arrimaha siyaasadda in ay timaado Soomaaliya wuxuuna sheegay in kulanka labada dhinac uu ku soo dhamaaday guul.
Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda dalka Mareykanka ee arrimaha siyaasadda Wendy Sherman ayaa iyana la hadashay saxaafada ayaa waxay sheegtay in dowlada Mareykanka ay taageersan tahay DFS waxayna ugu baaqday in la soo dhiso xukuumad tayo leh.
A/Cawale
Halgan.net