Madaxweynaha JFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socday Midowga Yurub
November 3, 2012 - Written byMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalaka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxmuud ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socday Midoowga Yurub ee uu hogaaminayey Safiirka Midoowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Mechealle Cervone.
Kulanka ka dib ayaa waxaa saxafaadda xarunta Madaxtooyadda Villa Soomaaliya kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Safiirka iyagoona ka warbixiyey waxyaalahii ay ka wada hadleen.
Safiirka Midoowga Yurub ee Soomaaliya ayaa yiri”Midoowga Yurub waxa u ansaxiyey Soomaaliya 2012-da kaalmo dhan 158 Milyan oo lacagta Midoowga Yurub ah, Tani waxa ay ka dhalatay dib u eegis lagu sameeyey mudada dhexe, oo kordhisay lacagtii loogu talalagalay Horumarinta Soomaaliya ,212 Milyan oo la gaarsiiyey 412 Milyan oo lacagta Midoowga Yurub ah” waxa uuna hadalkiisa raaciyey in Midoowga Yurub ahaan doono deeq bixiyaha ugu weyn.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa aad uga mahad celiyey kordhinta deeqaha Midoowga Yurub siiyaan Soomaaliya isagoona tilmaamay in kaalamada Midoowga Yurub mar walba muuqtay. no images were found
“Aad iyo aad ayey arrinta farxad u leedahay kordhinta deeqaha Midoowga Yurub ee Soomaaliya , Dowladda cusub ee Soomaaliya waxa ay waayadaan dambe ka codsaneysay caalamka in wax laga beddelo macaamilkii Dowladdahii naga horeeyey, caalamkuna toos ula macaamilo Dowladda cusub ee Soomaaliya taasi ayaa micno sameeyneeysa” ayuu yiri Madaxweynahu oo hadalkiisa ku soo gabagabeeyey in tani ay tahay wado cusub oo haatan bilaabatay.
– Dhamaad –
Agaasinka Warfaafinta
Xafiiska Madaxweynaha