Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray dalka Itoobiya(Masawiro)
November 28, 2012 - Written byMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayo ee uu ka mid yahay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo saaka ka soo ambabaxay magaaladda Jabuuti ayaa soo gaaray Caasimadda Itoobiya ee Adis-Ababa.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ,Wasiiro, Madaxda Dowlad goboleedyadda Itoobiya iyo masuuliyiin kale ayaa madaxwey naha Soomaaliya iyo Wafdigiisa si weyn ugu soo dhaweyey garoonka diyaaradaha ee Adis-Ababa. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa loo galbiyey xarunta Madaxtooyadda Itoobiya isagoona kulamo kala gaar ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Itoobiya oo uu kala hadlay xiriirka labada dalka.
no images were found
Ugu dambeyntii Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa shir jaraa’id si wada-jir ah ugu qabtay xarunta Madax tooyadda Itoobiya iyadoona saxaafaddu weydiisay su’aalo ku aadan xaaladda Soomaaliya iyo Xiriirka labada dal.
Communication Office of the Somali President