Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroolle oo gaaray magaalada Boosaaso

November 29, 2012 - Written by

Madaxweynaha dowllada Puntlland Dr Cabdiraxmaan Faroole iyo wafdi uu horkacyo ayaa dhawaan gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, wafdiga Madaxweynaha oo xalay ku hoyday degmada Carmo ayaa markii uu soo gaaray duleedka magaalada Boosaaso waxaa ku soo dhaweeyey wasiiro ka tirsan maamul kiisa , xildhibaano, madaxda maamulka Gobolka bari , Isimo iyo dadweyne fara badan.

Ciidamo ka tirsan kuwa Madaxtooyada Puntlland ayaa xalay fiidkii soo gaaray magaalada Boosaaso si ay u ilaaliyaan amaanka wafdiga madaxweynaha halka ciidamo ka tirsan Booliska iyo kuwa daraawiishu ay ka qayb qaadanayeen sugida amaanka iyagoo ilaalo ka hayey goobaha loo asteeyey in wafdiga madaxweynuhu ay kormeer ku tegi doonaan.

Markii uu soo gaaray Madaxweynuhu magaalada Boosaaso ayaa waxaa uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka  Baanbayda iyadoo markii danbe loo galbiyey guriga Madaxtooyada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, Wasiirka amniga dowllada Puntlland Col. Khaliif Ciise Mudan  iyo saraakiil ka tirsan wasaarada amniga  ayaa iyagu  shalay galab waxaa ay soo gaaray magaalada Boosaaso si ay ugu gogol xaaraan wafdiga madaxweynaha ee la filayey maanta in ay soo gaaraan magaalada Boosaaso.

Wafdiga Madax weynaha Puntlland ayaa inta ay joogaan Boosaaso waxaa la filayaa in ay kormeer ku tagaan Dekkada magaalada Boosaaso iyo garoonka diyaaradaha ee  Bandar Qaasim oo uu ka socdo dhismo cusub oo loo samaynayo Run-wayga  iyo goobo kale.

M_M_Deeq
Halgan.net

 

 

 

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online