Madaxweynaha Puntlland Dr.Cabdiraxmaan Faroole oo socdaal ku tegi doona Qardho iyo Boosaaso

November 7, 2012 - Written by

Garoowe:-Wafdi uu horkacyo madaxweynaha  dowlladda Puntlland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole  ayaa waxaa uu ku soo wajahan yahay magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar isagoo uga sii gudbi doonaa degaano ka tirsan Gobolka Bari gaar ahaan magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Ciidamo ka tirsan Madaxtooyada Puntlland kana yimid magaalada Garoowe ayaa xalay soo gaaray magaalada Qardho si ay u sugaan amaanka waxaan la filayaa in madaxweynaha Puntlland markii uu soo gaaro uu kulamo kale duwan la qaadan doono isimada , nabadoonada iyo waxgaradka reer Qardho.

Madaxweynaha  dowlladda Puntlland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa waxaa la filayaa in mudo ah ku sugnaan doono magaalada Boosaaso isagoo kulamo la qaadan doono Isimadda Gobolka Bari waxaan uu kormeer kale duwan ku tagi doonaa kaabayaasha dhaqaalaha ee magaalada sida Dekkada Boosaaso iyo Garoonka diyaaradaha ee Bandar qaasim oo maalin ka hor lagu bilaabay in la dhigo Run-way-ga.

Madaxweynaha  dowlladda Puntlland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa waxaa uu usbuucii la soo dhaafay uu socdaal ku soo maray degaano ka tirsan Gobolka Nugaal gaar ahaan Degmooyinka Eyl iyo Burtinle halkaas oo uu kulamo kula soo qaatay Nabadoono iyo waxgarad kale.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online