M/weynaha Puntland oo kormeer ku tagay saaka Dekedda weyn ee magaalada Boosaaso

November 30, 2012 - Written by

Boosaaso:-Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Faroole iyo wasiiro ka tirsan golaha xukuumada Puntland ayaa saaka kormeer ku tahay Dekedda weyn ee Magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.

Madaxweynaha Puntland aýaa waxaa kormeerkiisa ku weheliyey Wasiirka Dekeddaha iyo Gaadiidka Badda ee Puntland Eng.Siciid Maxamed Raage ,Wasiirka Maaliyada Faarax Cali Shire ,wasiirka Kaluumeysiga iyo Khayraadka Badda Eng.Maxamed Faarax Aadan ,,agaasimayaasha madaxtoyada  iyo Masuuliin ka tirsan gobalka Bari.

Madaxweynaha ayaa soo eegay dib u habeynta iyo Balaarin lagu sameeyey dekedda Bossaso ,xafiisyada wasaarada dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Puntland  ,wasaaradaha Kaluumeysiga ,Ganacsiga iyo wasaarada  arrimaha gudaha.

Wafdiga Madaxweyna ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay kormeer ku tagaan Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ee Bandar Qaasim.

Warka oo Faahfaahsan dib baan idiinka soo gudbin doonaa Inshalaah.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online