Nabadoon Aadan Faarax Dheere oo caawa lagu dilay magaalada Gaalkacyo

November 19, 2012 - Written by

Gaalkacyo :-Waxaa caawa lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug alaha u naxariisteen Nabadoon Aadan Faarax Dheere waxaana lagu dilay albaabaka Masjidka Salaaxudiin Salaadii cishe ka dib waxaana dilay laba nin oo Afduuban kuna hubeysan Bastoolado. Aadan Faarax Dheere ayaa waxaa uu ahaa wadaad, Ganacsade iyo Nabadoon caan ka ah magaalada Gaalkacyo kana soo jeeda beesha Leelkase.

Xaalada magaalada Gaalkacyo ayaa caawa kacsan.Dilka ayaa waxaa uu ka dhacay xaafada Garsoor Waxaa kale oo la dhaawacay Sh Cabdinaasir Faarax Ina Lagu Jire  oo la dhashay Sheekh C/casiis Faarax alaha u naxariisteen lana socday Nabadoon Aadan Faarax Dheere.

Halgan.net ayaa caawa xiriir la sameysay ehelada Nabadoon Aadan Faarax Dheere waxayna u sheegeen in dhowr mar ay u soo hanjabeen kooxaha aan la aqoon ee dilalka ka geysta magaalada Gaalkacyo.

Waxaa kale oo Koonfurta magaalada Gaalkacyo lagu afduubay galabta 5 qof oo rakaab ah oo ka soo jeeda Waqooyiga magaalada Gaalkacyo waxaana afduubay maleeshiyaad la heyb ah mid ka mid ah  rag ay shalay Puntland soo bandhigatay waxaana socda dadaal ay wadaan odayaal iyo isimo ka soo jeeda Koonfurta magaalada Gaalkacyo.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online