Qarax xoogan oo ka dhacay agagaarka xarunta Baarlamaanka DFS
November 7, 2012 - Written byMuqdisho:-Waxaa dhawaan ka dhacay qarax goob ay baabuurta dhigtaan Xilidhaanada DFS una dhow xarunta Golaha shacabka iyo Masjidka Isbahaysiga Islaamka, qarax ayaa waxaa ku dhintay hal qof halka mid ka mid ah askarta DFS uu ku dhaawacmay.Qarax ayaa waxaa uu dhacay xili ay xilidhaanada DFS ka soo baxeen shir ay ku lahaa yeen xarunta golaha shacabka waxana qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa.
Xilidhaan Sheekh Saacid Sheekh Maxamed ayaa saxaafada u sheegay in qaraxu dhacay balse uusan wax dhibaato ka soo gaarin Xilidhaanada DFS balse uu ku dhintay qof uu sheegay in uusan aqoon iyo askari ka tirsan DFS oo ilaalinayey baabuurta ay lahaayeen Xilibaanada DFS.
Golaha Baarlamaanka DFS ayaa waxaa ay maalmihii la soo dhaafay ay la doodayeen xeer hoosaadyo iyadoo kulanka uu ka qayb galaiyey guddoomiyaha Baarlamaanka DFS Maxamed Cismaan Jawaari.
A/cawaale
Halgan.net