Qarax xoogan oo ka dhacay agagaarka xarunta Baarlamaanka DFS

November 7, 2012 - Written by

Muqdisho:-Waxaa dhawaan ka dhacay qarax goob ay baabuurta dhigtaan Xilidhaanada DFS una dhow xarunta Golaha shacabka  iyo Masjidka Isbahaysiga Islaamka, qarax ayaa waxaa ku dhintay hal qof halka mid ka mid ah askarta DFS uu ku dhaawacmay.Qarax ayaa waxaa uu dhacay xili ay xilidhaanada DFS ka soo baxeen shir ay ku lahaa yeen xarunta golaha shacabka waxana qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa.

Xilidhaan Sheekh Saacid Sheekh Maxamed ayaa saxaafada u sheegay in qaraxu dhacay balse uusan wax dhibaato ka soo gaarin Xilidhaanada DFS balse uu ku dhintay qof uu sheegay in uusan aqoon iyo askari ka tirsan DFS oo ilaalinayey baabuurta ay lahaayeen Xilibaanada DFS.

Golaha Baarlamaanka DFS ayaa waxaa ay maalmihii la soo dhaafay ay la doodayeen xeer hoosaadyo  iyadoo kulanka uu ka qayb galaiyey guddoomiyaha Baarlamaanka DFS Maxamed Cismaan Jawaari.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online