Taliyaha ciidamada AMISOM Andrew Gutti oo gaaray B/weyne
November 25, 2012 - Written byHiiraan:-Waxaa saaka gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka HiiraanTaliyaha ciidamada AMISOM Andrew Gutti iyo wafdi uu horkacayo waxaana magaalada B/weyne ku soo dhaweeyey mas’uuliyiinta gobolka Hiiraan iyo saraakiil ciidan DFS iyo kuwa AMISOM .
Wafdiga ka socda AMISOM ayaa waxaa ay u tageen magaalada B/weyne in ay soo qiimeeyaan xaalada Amaanka ee magaalada iyo xarumaha ciidamada Jabuuti ee ka socda AMISOM ay kala wareegeen ciidanka dalka Itoobiya .
Taliyaha ciidamada AMISOM Anderw Gutti ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya saraakiil ka tirsan ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM waxaana uu kulamo la qaadan doonaa mas’uuliyiinta gobolka Hiiraan, saraakiisha ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM
no images were found
Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa haatan waxaa ku sugan ciidamo ka tirsan AMISOM kuwaas oo ka socda dalka Jabuuti waxaa sidoo kale duleedka magaalada ku sugan ciidamo Itoobiyaan ah oo markii hore ku sugnaa Beledweyne .
Waa markii ugu horeysay oo uu taliyaha AMISOM booqdo meel ka baxsan magaalada Muqdisho waxaana afhayeenka AMISOM Col.Cali Aadan uu shalay warbaahinta u sheegay in dardar galin doonaan howlgalada ay ka wadaan gudaha Soomaaliya.
A/Cawale
Halgan.net