Wasiirka Dekadaha Puntland oo ka qayb galay shir Caalami ah oo ka dhacay dalka Cyprus

November 16, 2012 - Written by

Cyprus :-Wasiirka Dekadaha ee Dowlada Puntland Eng. Siciid Maxamad Raage ayaa waxaa uu ka qeyb galay shir caalami ah oo ay ka soo qeyb galeen 175 dowladood waxaana shirkaas uu ka dhacay magaalada Larnaca ee dalka Cyprus .
Shirka ayaa waxaa looga hadlay diiradana lagu saaray la dagaalanka kooxaha burcad badeedka iyo sidii garab loo siin lahaa dowladaha ay dhibta ku hayaan kooxaha isbaarada dhigta bada ee loo yaqaan (Burcadbadeeda ).
Eng. Siciid Maxamad Raage ayaa kulanka waxaa uu uga qeyb galay Soomaaliya wuxuuna ka hadlay dhibaatada Burcad Badeeda ay ku heyso xeebaha Soomaaliya.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka bada Puntland Eng. Siciid Maxamad Raage ayaa waxaa kale oo uu Khudbad ka jeediyey shirka ka dhacay magaalada Larnaca ee dalka Cyprus wuxuuna ka warbixiyey dhibaatada burcad badeeda ay ku heysay xeebaha Puntland iyo sida ay dowladiisa ula dagaalantay wuxuuna sheegay in ay yaraadeen afduubkii ay maraakiibta u geysan jireen kooxaha Burcad Badeeda.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online