Baarlamaanka DFS oo la filayo in Codka Kalsoonida u qaado Xukuumada R/W Saacid

November 10, 2012 - Written by

Muqdisho:-Ra’isal Wasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta golaha Baarlamaanka DFS horgeyn doona Xukuumadda Cusub ee uu dhowaan  soo dhisay Ra’isal Wasaarre Saacid kuwaas oo  ka kooban 10 Wasiir .

Ra’isal Wasaare Saacid iyo M/weynaha DFS Xasan Sh Maxamuud ayaa wada dadaal ay ku doonayaan inay ku meel mariyaan Xukuumadan tirada yar ee ka kooban 10 Wasiir waxaana tan iyo shalay ka socday magaalada Muqdisho shirar gaar gaar ah kuwaasoo lagu sheegay in madaxweynaha DFS iyo R/W Saacid ay la yeesheen taageerayaashooda ku jira Baarlamaanka dowlada federaalka Soomaaliya.

Xildhibaano ka tirsan DFS ayaa qeylo dhaan ka keenay in la ansaxiyo xukuumada DFS ee uu horkacayo R/W Saacid iyaga oo sheegay in Dustuuriyan ay qalad tahay in la ansaxiyo xukuumada iyada oo aan la soo dhameystirin waxayna ka codsadeen in lagu soo daro xukuumada Wasiiro ku xigeen iyo wasiiro dowlayaal.

Magaalada  Muqdisho ayaa taageerayaasha R/W Saacid waxay ku qabteen banaanbaxyo lagu taageerayo xukuumada Saacid waxaana ka codsadeen Xildhibaanada DFS in ay ansaxiyaab Xukuumada Cusub ee Soomaaliya.

Gudoomiyaha DFS Pro.Jawaari ayaa sheegay in maanta oo sabti ah codka kalsoonida loo qaadi doona xukuumada cusub ee Raisulwasaare Saacid waxaana ku sii qulqulaya xarunta golaha shacabka xildhibaanada DFS.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online