Xukuumada Ra’isul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon oo codka kalsoonida la siiyey
November 13, 2012 - Written byMuqdisho:-Waxaa maanta kulan isigu yimid Xildhibaanada golaha Baarlamaanka DFS waxaana kulanka maanta ka soo qeyb galay Madaxweynaha DFS iyo Raisulwasaare Cabdi Faarax Shirdoon waxaana kulanka maanta codka kalsoonida loo qaaday wasiirada cusub ee DFS.
Xildhibaanada Baarlamaanka dowlada Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansaxiyey xukuumada Raisulwasaare Cabdi Faarax Shirdoon.
Kulanka Baarlamaanka DFS ayaa waxaa furay gudoomiyaha baarlamaanka DFS Prof. Maxamed Cismaan Jawaari wuxuuna xildhibaanada u sheegay in cod loo qaadayo xukuumada DFS.
Kulanka maanta ayaa waxaa soo xaadiray 225 waxaana uu gudoomiyaha ka codsaday in gacan taag loogu codeeyo xukuumada Raisulwasaare Saacid waxaana codka kalsoonida siiyey 219 xildhibaan waxaana ka aamusay 3xildhibaan waxaana diiday 3 kale.
Ra’isul wasaaraha xukuumadda DFS Cabdi Faarax Shridoon, ayaa xildhibaanada uga mahad celiyey kalsooni ay siiyeen waxaana uu balan qaaday in ay xilkooda u gudan doonaan si daacad ah .
A/Cawale
Halgan.net