2 Qof oo xalay lagu dilay magaalada Garisa ee xarunta Gobolka Waqooyi Bari Kenya
December 10, 2012 - Written byGaarisa:-Waxaa magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya lagu dilay xalay ilaa 2 qof oo fadhiyey goob khaadka lagu iibiyo iyadoo la sheegay in 2-da qof ee la dilay mid ka mid ah uu ahaa askari.
Kooxdaan hubeysan ayaa xaafada Gaarisa Yarey markii ay dilka ka geysteen ka baxsaday goobta, goobta dilku ka dhacay ayaa waxaa soo gaaray ciidamo Boolis ah oo bilaabay in ay sameeyaan howl gal ay ku baarayaan kooxda dilka geysatay.
Jawiga magaalada Gaarisa ayaa xalay waxaa mar kaliya is bedelay waxaan dadka qaarkiisa ay xireen goobahooda ganacsiga iyagoo aaday guryahooda.
Dilka ka dhacay xalay magaalada Gaarisa ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili habeen hore qarax lala eegtay Masjidka Al-hidaaya ee magaalada Nairobi waxaan qaraxa ka dhintay 8 qof waxaan ku dhaawacmay ilaa ku dhawaad 30 qof oo uu ku jiro xildhibaanka laga doorto xaafada Kamakunji Yuusuf Xassan Cabdi.
A/cawaale
Halgan.net