Banaanbax rabshado wata oo ka dhacay magaalada Hargeysa ee xarunta S/land
December 16, 2012 - Written byHargeysa:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland ayaa sheegaya in banaanbax balaadhan uu ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Hargeysa gaar ahaan waqooyiga magaaladda, waxaana banaanbaxa dhigayey dadweyne ka soo horjeeda oo diida kala bedel lagu sameeyey xildhibaanaddii soo baxay ee golaha deegaanka ee magaalada Hargeysa.
Dadweynaha Banaanbaxa dhigayey ayaa waxaa ay gubayeen taayaro iyaga oo dhagxaan ku tuurayey ciidamada amaanka ee magaalada Hargeysa kuwaas oo rasaas kor u ridayey si ay u kala ceyriyaan dadweynaha banaanbaxa dhigayey .
Dadweynahan Banaanbaxa dhigayey ayaa waxay xireen in mudo ah wadooyinkaTogdheer ee badhtamaha magaaladda, xaafadaha xisbiga ,xaafadda boqol iyo kontonka.dadka banaanbaxa dhigayey ayaa waxay u badnaayeen taaageerayaasha Urur siyaasadeedka Rays oo mid ka mid ah xubnahooda horey u guuleystay la sheegay in haatan haray .
Ilaa haatan lama sheegin wax khasaaro ah oo ka dhashay Banaanbaxa ka dhacay magaalada Hargeysa marka laga reebo in ciidamada amaanka ay xabsiga dhigeen ilaa saddex wariye oo u shaqeynayey Tv HCTV.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net