Ciidamada AMISOM oo howlgalo ka sameeyey magaalada Baladweyne
December 1, 2012 - Written byHiiraan:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ee xaruunta Gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ay maanta howlgaladii ugu horeeyey ay ka sameeyeen magaalada B/weyne iyaga oo dad badan ku soo qabtay xaafadaha kala duwan ee magaalada Baladweyne.
Ciidamada dalka Jabuuti ayaa soo qabqabtay dhalinyaro gaareeysa ilaa iyo 20 dhalinyaro ah waxaana lagu xiray saldhiga magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxaana howlgaladan ay saaka bilaawdeen 11:00 subaxii.
Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Hiiraan Col:Cali Dhuux Cabdi ayaa sheegay in ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay saaka howlgalo ka fuliyeen xaafado ka mid ah magaalada Baladweyne wuxuuna sheegay in ay ku daba jiraan qaar ka mid ah ragii dilay Gudoomiyahii Golaha odayaasha dhaqanka gobalka Hiiraan Nabadoon Maxamed Sheekh Xuseen Maryacade.
Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Hiiraan Col:Cali Dhuux Cabdi ayaa sidoo kale sheegay in ay ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ay qaadeen isbaarooyin yaalay gudaha iyo daafaha magaalda Baladweyne wuxuuna sheegay in ay fuliyeen amarkii ka soo baxay madaxweynaha DFS Dr.Xasan Sheekh Maxamuud.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net