Ciidamada DFS iyo kuwa Kaambooni oo weeraray askar isbaaro dhigatay Kismaayo
December 20, 2012 - Written byKismaayo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kisnmaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa sheegaya in askar ka tirsan DFS ay saaka isbaaro dhigteen xaafadda dalcadda waxaana ka dib ku baxay ciidamo kale oo ka tirsan DFS iyo kuwa Raaskambooni waxayna ku guuleysteen in ay qaadaan isbaaradii.
Ciidamada dhigtay Isbaarada ee ka tirsan DFS ayaa ka cabanaya Mushaaro la,aan askarta dhigatay isbaarada ayaa waxaa laga soo waramayaa in uu gaaray khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac qaarna la qabtay.
Halgan.net ayaa waxaa ay la xiriirtay C/laahi Xadhuun oo ka mid ah Saraakiisha Ururka Raaskambooni waxaana uu u sheegay in xaalada ay degan tahay aysana jirin wax dagaal beeleed ah oo ka dhacay ama ka socda magaalada Kismaayo.
Goobta ay saaka Isbaarada dhigteen askar ka tirsan DFS ayaa waxaa haatan ku sugan ciidamo ka tirsan DFS iyo kuwa Raaskambooni.
A/Cawale
Halgan.net