Ciidamada DFS oo ay taageerayaan kuwa Itoobiya oo la wareegay Degmada Ufurow
December 14, 2012 - Written byUfurow:-Ciidamada DFS oo ay taageerayaan ciidamada dalka Itoobiya ayaa maanta la wareegay Degmada Ufurow ee gobolka Bay ka dib markii ay halkaas ka baxeen ciidamada Al-Shabaab ee ku sugnaa deegaanka Ufurow ee gobolka Bay waxaana ay ciidamada huwanta ay fariisimo ka sameysteen duleedka Degmada Ufurow iyo gudaha magaalada.
Wararka naga soo gaaray Degmada Ufurow ayaa sheegaya in wax dagaal ah uusan ka dhicin gudaha Degmada Ufurow .Dhanka kale Afhayeenka Ururka la baxay Ahlu Sunna ee gobolka Gedo Maxamed Xuseen Al Qaadi ayaa waxaa u la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ka howlgasha gudaha magaalada Muqdisho waxaana uu sheegay in ciidamada huwantu qabsadeen Degmada Ufurow waxaana uu ku goodiyey in gobalka Gedo iyo Bay oo dhan ay ka saari doonaan Ururka Al-Shabaab.
Ilaa haatan ma jiraa cid ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo ka hadlay qabsashada Degmada Ufurow ee gobalka Bay.
A/Cawale
Halgan.net